Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Diyaarado Dagaal oo Duqeeyay Fariisimo Al-Shabaab Ay ku leeyihiin Gobolka Gedo

$
0
0

Warark alaga helayo Gobolka Gedo ee Koonfurta wadanka Somalia ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi ay ka dhaceen duqeeymo la la eegtay fariisimo kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin deegaan dhaca duleedka Deegaanka Ceel-Cade ee Gedo .

Duqeeymahaan oo ay fulinayeen Diyaaradaha dagaal ee dowlada Kenya ayaa waxa ay la bartilmaameedsanayen fariisimo Al-shabaab ay ku lahaayeen Deegaankaasi.

Guddoomiyaha Gobolka Gedo Axmed Buule Xasan oo lahadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay in duqeeymahaasi la la eegtay maleeshiyaad katirsan kuwa Al-Shabaab.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in Al-Shabaab qasaare badan ay ka gaartay duqeeyntaasi oo sidii roobka ugu socotay deegaanka Ceel-Cade ee Gobolka Gedo.

Diyaaradaha dowlada Kenya ayaa duqeeyn la eegtay fariisimaha kooxda Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobolada Jubbooyinka&Gedo ee koonfurta wadanka Somalia.

Al-Shabaab ilaa iyo iminka kama hadlin duqeeyntaasi iyo haddi ay jirto qasaare ka soo gaaray Ciidamadooda.

Faah Faahinta Dib kala soco Insha allah

The post Diyaarado Dagaal oo Duqeeyay Fariisimo Al-Shabaab Ay ku leeyihiin Gobolka Gedo appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>