Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Micheal Keating oo la kulmay Musharixiinta Doorashada Somalia 2016

$
0
0

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Nairobi Ee Caasimada Wadanka kenya ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay shir ay wada yeesheen Wakiilka Xoghayaha guud ee qaramada midoobay uqaabilsan Somalia Micheal Keating iyo Xubnaha musharixiinta ah ee u taaqan qabashada xilka madaxtinmo ee Soomaaliya.

Micheal keatinga ayaa Qoraal kooban uu soo dhigay boggiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in kulan saacado badan qaatay uu la yeeshay musharixiinta Xilka Madaxtinimo Ee Soomaaliya.

Musharaxiinta wakiilka la shiray waxaa kamid ah Cabdulaahi Cilmooge Xirsi,Maxamed Cabdulaahi Farmaajo,Cali Xaaji Warsame iyo qaar kale.

Somalia ayaa sanadkaan waxaa ka dhaceeyso Doorashada xilka madaxtinimo Ee Dalka Somalia waxaana isku soo taagay musharixiin aad u farabadan.

The post Micheal Keating oo la kulmay Musharixiinta Doorashada Somalia 2016 appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>