Wafti ay hogaaminayso Wasiirka Haweenka Puntland Drs Aniso Abdulqaadir Muumin ayaa lagu soo dhaweeyey deegaano ka tirsan Gobolka Gardafuu Ka dib socdaal ay ugu kuurgalayso Xaalada iyo baahiyaha asaasiga u ah arrimaha bulshada.
Wasiir Aniso Abdulqaadir Muumin ayaa lagu soo dhaweeyey magaalooyinka kala ah Baargaal, Taageer, Waadi-kheyr, Xoogaad, waxayna uga sii gudbi doonta magaalooyinka kala ah Bareedo , Caluula, Xaabo iyo Geesaleey.
Drs Aniso oo booqoshadii labaad ku maraysa Gobolka Gardafuu ayaa sida lagu wado socdaalkeeda hadda wuxuu qaadan doona muddo ka badan todobo cisho , Iyadoona si dhab ah ugu kuurgali doonto baahida ka jirta Gobolka Sida Arrimaha Caafimaadka, Waxbarashada, Jidadka iyo Amniga.
Wasiirka ayaa kulamo la qaatey qeybaha kala duwan ee bulshada sida Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiinta , Maamulada degmooyinka ,Gobolka, Haweenka iyo Caruurta , Sidoo kalena waxay indho indheyn ku samaysay sida wax looga qabtey gurmadkii abaaraha iyo duufaano is xig xigey oo meelo ka mid ah gobolka ku dhuftey , halka ay kormeertey xarumaha Booliska, Caafimaadka iyo Waxbarashada.
Bulshada ku nool Gobolka Gardafuu ayaa codsi ugu jeediyey Drs Aniso Abdulqaadir inay dowladu ilgaar ah ku eegto baahiyaha ka jira Gobolka kuwaas oo ay ugu muhiimsan yihiin wax ka qabashada jidadka .
Waftigu intii ay ku gudo jireen socdaalkooda waxaa si weyn usoo jiitey kheyraadka dabiiciga ee uu leeyahay Gobolka Gardafuu sida beeraha, badda, maydiga IWM taas oo sida muuqata meesha ka saari lahayd inta badan baahida Gobolka ka jirta haddii uu heli lahaa wadooyin ku xira magaalooyinka kale ee Puntland iyo Guud ahaan Somalia
DAAWO SAWIRADDA.
Abshir Dhiirane
Puntlandpost Garowe
The post Wasiirka Haweenka P/land oo booqaneysa Gobolka Gardafuu appeared first on Puntland Post.