Laas-caanood: (pp)- Wiil yar oo afar sano jir ah ayaa xalay dhurwaa uu ku cuney tuulada la yiraahdo Adhi-cadeeye oo 30-Km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool .
Puntlandpost oo xiriiro la sameysay Dadka deegaanka Adhi-cadeeye ayaa dhacdan u xaqiijiyeen , iyagoona xusey in weerar waraabuhu uu kusoo qaaday wiilka yar xilli ay la joogtey ayeeyadiis deegaan ku yaal miyiga.
qaar ka mid ah dadka aanu la xiriirney ayaa sheegey in waraabuhu uu dhaawac sidoo kale soo gaarsiiyey ayeeyada ilmaha uu cuney ka dib markii ay isku qabsadeen cunuga waraabaha oo ay ayeeyadu rabtey inay ka badbaadiso, balse nasiib daro oodo iyo geedo uu kala dulboodey.
Wali dhacdadan waxaa si aad ah u hadal haya dadka deegaanka , kuwaas oo su,aalo kala duwan iska weydiinaya dhacdadan oo ah mid ugub ku ah dhulka miyigaa oo inta badan aan looga baran cunista waraabaha ee dadka oo saameyn ku lahayn reer guuraaga.
Balse sida la og yahay waraabaha qudhiisa deegaano badan oo ka mid ah dhulka Somalida ayaa laga cunaa, ka dib markii culimada qeybtood shaaciyeen in uu xalaal hilibkiisu yahay halka qeyb kale oo culimada ka mid ahna ay xaaraantinimeeyeen.
Puntlandpost.com
Laas-caanood.