Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXIV) 64 aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan

$
0
0

11
SHiikh SHariif Axmed, wax weyn oo laga fili karayay ma jirin, sababaha ku meernaa aawgood, haddii ay tahay sida iyo habka uu xukunka ku yimid xukunka dalka, ooo runtii aan ahayn hab quruxsanaa, waayo waxaa muuqday in si cad oo aysan Soomaalidu talada waxba ku lahayn inta la soo qabtay isagoo xil-dhibaannadii dooran lahaa wata la yiri ha lala tartamo, haddii ay tahay kalsoonida uu ku dhex joogo siyaasiyiinta iyo saraakiisha sar-sare ee dowladda, marka waxaas oo dhan la fiiriyo waxaad arkaysaa inuusan jirin xiriir kalsooni ku jirto oo ay ku wada shaqayn karaan isaga iyo dadka ku meernaa ee hogaanka iyo talada dalka la waday…..waxayna dad badan oo ku dhowdhowaa Shariif Axmed rumaysnaayeen in arrimaha dalka intooda badan uu kala tashan jiray khubaro aajnabi oo dalalka shisheeyaha u joogay Soomaaliya, wuxuuna maraer badan wax weydiin jiray Ismaaciil Cumar Geelle…..

 

Waxaa iyadana la sheegay in khilaafkii soo dhex galay isaga iyo ra’iisal wazaarayaashii Cumar Cabdi-Rashiid iyo Max’ed Cabdullaahi Farmaajo ay labaduba dalal shisheeye ah ka dambeeyaan, waxaan arrin iska cad oo Soomaalida oo dhan ay ka war hayso ahayd in madax-weyne Yuweri Museveni uu isaga ka odeeyeeyay in Farmaajo uu xilka ka dego. Arrimaha siyaasadda ee dalka sida aalaaba dadku ay dareemayeen waxay gacan buuxda ugu jireen wakiilkii QM Augustine Philip Mahige siiba marka laga hadlayo in horay loo dhaqaajiyo habkii federal-ka ahaa ee lagu soo heshiiyay iyo diyaarintii dastuurkii qabyada ahaa….

 

Waxaa lagu tilmaami karaa in waqtiyadii uu SHiikh SH ariif ahaa mada-weynaha ay ahayd marka ay sida aadka ah u xoogeysteen in wakiillada dowladaha shisheeyaha ah  ee Soomaaliya joogay ay faraha ala galaan tallada iyo xukunka dalka,   waxayna u ekaatay inay tahay arrin ay Soomaalida oggolaatay in la maamulo. Waxaana intii uu joogay suuro galay in kastoo uu markii hore SHiikh SHariif diidanaa in maamulka Puntland iyo dowladda fedral-ka ay intii hore isaga soo dhowaadaan iyadoo uu arrintaas kaalin muhiim ka ciyaariyay wakiilka QM ee Soomaaliya Mahiige, waxaana isla markaas suuroobay in qaybihii maamulladii jiray; Puntland, Ahlu Sunnah Wa-Al-Jamaacaha, Gal-Mudug,iyo dowladda federal-ka madaxdeeda ay wada hadlaan oo waliba ay isu soo noqdaan, ilaa ay dhamays tireen heshiisyadii Garowe 1 iyo Garowe 2, waxayna wada gaareen heshiisyo muhiim ahaa oo uu ku jiray inay wada saxiixdeen Dastuurkii Federal-ka ee qabyada ahaa……

 

Augustine Mahige, ergeygii QM, madax-weyne SHiikh SHariif Axmed, Af-hayeenkii SHariif Xasan SHiikh Adan, ra’iisal wazaarihii Cabdi-Wali Max’ed Cali Gaas, madax-weynihii Puntland Cabdi-Raxmaan SHiikh Max’ed Faroole, madax-weynihii Gal-Mudug Max’ed Axmed Caalin, iyo hoggaamiyhii SHiikh Max’ed Aw-Libaax, is af garashadoodii waxy keentayinaysoo xulaan xil-dhibaannadii golaha shacabka, soo diyaarintii dastuur qabyo ahaa oo dowladda federal-ka ay ku sii shaqayso loona diyaariyay inay dad-weynaha u codeeyaan, waxayna dowladdii soo gaarsiiyeen meel ay wax ka sii wadi karto dowladda ka dambaysa imaan doonta, iyadoo waliba aysan waxba uga tegin dowladdii iyada ka horeysay waxayna suuro geliyeen in doorashadii la qabto waqtigeedii….

 

Madax-weyne SHiikh SHariif waxaa la rumaysanayahay inuu ahaa nin laynoo keenay, isaga ka horna rag baa laynoo soo wadayuu ka mid ahaa SHariif Xasan SHiikh Aadan, af-hayeenkkii barlamanka, Qan-Yare Waziirkii Amniga, Bootaan Ciise, Waziirkii DHaqan Celinta…Cumar-Finish, Waziirkii Arrimha Diinta, iyo Muuse Suudi Yalaxow, waziirkii Ganacsiga, waxaana hubaal inay ka badanyihiin kuwaan la ogeyn ee xil-dhibaannada ku jiray ama waziirrada ku jiray, balse waxaa intaas oo dhan ka darnaa barlamankii 550-ka xil-dhibaan ahaa ee arkayay sida uu SHiikh SHariif Axmed ku yimid ee isaga taladii dalka u dhiibay, ma aha in xil-dhibaannada intaas la tiro eg ay iska doorteen, ama lacag la sii keliya ay ku doorteen, ee waxaa runta u dhow in Xil-dhibaannada codeyniyay badankood ay ogaayeen mesha waxa yaala iyo meesha loo socdo…..dalkii wuxuu galay oo uu ku jiraa sir-doono kala duwan….madax-weyne, af-hayeen,ra’iisal wazaare, xil-dhibaano iyo waziiro, waxay noqdeen qaar sir-doonnadaas camiil ama basaas u ah ma kuwo ay handdadeen oo baqaya…..

 

Maxkamadihii jabay waxaa ka soo baxay Al-SHabaab!……Al-SHabaab ma la hubaa inay yihiin kuwii maxakamadaha ka soo faracmay ee ay ka tageen?! Mise waxaa jira Al- SHabaab sir-doonka Maraykanka ah? Ama sir-doonka Ingiriiska ah, mise sir-doonka Itoobiya ah mise  sir-doonka Qadhar ah mise AMISOM ah…….Si walba markaad u fiiriso dalkii awood baa loo sheegtay, wali inta dowladood ee dalka ku soo galay inay taageerayaan dowladda Soomaaliyeed lama hayo mid keliya oo qabta in la dhiso ama ay dhismaan ciidamo Soomaaliyeed oo cudud leh oo hanan kara amaankii dalka, waxaan jirta in meel kasta oo dalka  ka mid ah laga heli karo ciidamo Soomaaliyeed oo ay soo taba bareen dowladaha shisheeye ee dalka ku sugan isla markaasna iyaga u shaqeeya oo amarka ka qaata, waxa ay doonaan uga fuliya deeggaannada ay joogaan!…..

 

AL-SHabaab waxaa laga qabsaday sal-dhigyadeedii muhiimka ahaa, waxaa laga saaray meel kasta oo muhiim ahayd ama istaraatiijik (Strategy) ahayd, AMISOM hawl galkeedii wuxuu ku soo koobmay inay gacanta ku dhigaan meel kasta oo ay wax ka soo degaan magaallada Muqdisho, waxaana aan la garanayn waxa iska bedelay qorshihii ay markii hore ku yimaadeen….. Haddii dowladna laynagu magacaabay hadana aynaan dareemayn….aaway dad-weynihii?! Sow dalku iyagu ma laha?!

Beri la soco….

PUNTLAND POST

The post Natiijadii shirkii Mbagathi iyo halgankaan qaranimmadeenna ugu jirno! (Qaybtii-LXIV) 64 aad Axmed-Yaasiin Max’ed Sooyaan appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>