Wasiirka Arimaha Dibada Somalia Mr c/salaan hadliye Cumar oo ka hadlayay Munaasaad Ka dhacday Magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia Ayaa ka hadlay hees Laga qaaday goobtaasi munaasabad ay ka socotay Magaalada Muqdisho.
Heestaan oo Ay aheyd Ceeynaanka Noo haay jir oo Aheyd hees kal hore loogu qaaday Allaha u naxariistee Madaxweynihii hore ee Somalia Maxamed Siyaad Barre.
C/Salaan Hadliye Ayaa ka soo horjeeystay heestaasi waxaana uu si cad u sheegay in aanay habooneeyn in uu madaxweynaha dib u soo laabto.
C/salaam Hadiye ayaa sheegay in Ay haboontahay in Waqti la siiyo Masuuliyiinta kale ee doonaya in ay qabtaan xilka madaxtinimo ee Somalia.
Waa Wasiirkii ugu horeeyay ee katirsan Dowlada Somalia oo si cad u weerara Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud.
Hoos ka dhageyso Codka.
PUNTLAND POST MUQDISHO
The post Wasiir katirsan Somalia oo ka soo horjeeystay in Madaxweyne Xasan Sheekh Dib loo doorto appeared first on Puntland Post.