Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Gabar 14-jir ah oo isku Dishay Ceergaabo kadib markii ay ku dhacday Imtixaankii Dugsiga Hoose Dhexe

$
0
0

Ceerigaabo(Puntland Post)-Wararka naga Soo gaaraya Magaalada Ceergaabo ee xarunta gobalka Sanaag ayaa waxa ay Sheegayaan in ay is dishay Gabar aad u da’yar oo kamid aheyd kuwo ku dhaqnaa Magaalada Ceergaabo.

Nimco Axmed Jamac oo ka mid ahayd ardayda dhamaysatay fasalka  8-aad ee dugsiga hoose dhexe  ee Imaamu Shaafici  oo ku yaalla Magaalada Ceerigaabo ayaa nafta iskaga jartay Mindi   ay dhuunta isaga beegsatay  maanta.

Qaar kamid ah ehalada Nimco ayaa warbaahinta u sheegay in ilaa iyo shalay ay ka wal walsanayd  natiijadii ay heshay iyada oo kamid noqotay 603-qof oo ku dhacay imtixaankaasi.

Gabdhaan is Dishay ayaa da’deeda waxa ay aheyd 14-Sano Jir  waxaana la sheegay in ay aheyd qof aad u jecleeyd waxbrashada.

Qaar kamid ah Shaqaalaha Caafimaad ee isbitaalka Ceergaabo oo lagu wargaliyay dhacdadaan ayaa soo gaaray goobta inkastoo Nimco ay si dhaqsi ah markii mindidada ay isugu dhufatay ay goobta ku naf baxday.

Dhacdadadaan wal walka leh ayaa waxa ay tahay mid si aad ah looga hadal hayo deegaanada Maamulka Somaliand.

Maamulka Somaliand ayaa dhowaan shaacisay natiijada imtixaanka waxaana Sanadkaan uu noqday kii ugu badnaa oo ay ardadu dhaceen.

Dalka Somalia ayaa laheyn Xeer rasmi ah oo lagu wajaho Ardayda ka dhacda imtixaanka, waxaana suurtagal ah in ardayda ay xaalado kale  ku sababto.

PUNTLAND POST

The post Gabar 14-jir ah oo isku Dishay Ceergaabo kadib markii ay ku dhacday Imtixaankii Dugsiga Hoose Dhexe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>