Inta la ogyahay afar ka mid ah ilaalada deegaanka iyo ka hortaga xaalufka dhirta tuulada Reemanti ee Gobolka Nugaal ayaa ku dhaawacmay ka dib is hortaag ay maanta ku sameeyeen qawlaysato doonaysa inay xaalufiyaan dhirta deegaanka gaar ahaan dad raba inay xaabo ka gurtaan baadiyaha tuuladaas , Sida uu u xaqiijiyey Puntland Post Cumar Cawil Jaamac oo ka mid ah waxgaradka Reemanti.
Cumar Cawil ayaa sheegey inay yihiin dhaawacyada maanta soo gaarey afar ka mid ah ilaalada deegaanka Reemanti kuwo fudud Islamarkaana ay geysteen dad ka yimid magaalada Garowe, Una soo doontay baadiyaha xaalufinta deegaanka iyo jarista dhirta qoyan ee xooluhu qaadaan .
Ilaalada deegaanka Reemanti oo ah kuwa hoosyimaada Wasaaradda Deegaanka , Ilaalinta Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland ayuu sheegey Cumar Cawil inay afartii todobaad ee lasoo dhaafey ku jireen howl-galo ka dhan ah xaalufka deegaanka, Islamarkaana ay kusoo qabteen in ka badan 20 gaari oo ah nooca xamuulka oo ay ku raran tahay Xaabo.
Qawlaysatada dhaawacay qaar ka mid ah ilaalada deegaanka ayaa gacanta lagu dhigay , Iyadoona lagu hayo tuulada Abaareey ee Gobolka Nugaal , Waxaana looga diray magaalada Garowe ciidamo boolis ah si ay ula soo wareegaan , Islamarkaana loo horkeeno sharciga.

Isku soo wada duuboo dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa ka dib markii ay shalay ku tageen Reemanti socdaal lagu dhiiri galinayo howl-galka lagu ilaalinayo deegaanka wafti uu hogaaminayo Wasiir kuxigeenka Deegaanka, Ilaalinta Duurjoogta iyo Dalxiiska Puntland Faarax Cali Cabdi
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Ilaalo deegaanka oo lagu dhaawacay Tuulada Reemanti Ee Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.