Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Wasaarada Haweenka Puntland oo dardar-galinaysa doorka haweenka doorashada 2016

$
0
0

Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland ayaa maanta kulan magaalada Garowe isugu yeertay hay,addaha ka shaqeeya horumarinta jinsiga gaar ahaan arrimaha haweenka, waxaana looga hadlayay kulanka sidii haweenku kuraas fiican uga heli lahaayeen doorashada dalka Somalia sanadka 2016ka.

Shirkan ayaa waxaa kazoo qeyb galay Madaxa Hay,adda UNSOM ee Puntland Mr Howard Bell, Madaxa hay,adda UN-Woman Mr Pusparaj, Saraakiil ka socota hay,addaha UNDP, UNICEF, UNFPA, Gudoomiyaha ururka haweenka Puntland ,dhaq dhaqaaqa haweenka talo wadaag iyo marti sharaf kale.

Wasiirka Haweenka Puntland Drs Aniso Cabdulqaadir Xaaji Muumin ayaa u sharaxday dhinacyada kala qeyb galay kulanka caqabadaha haweenka haysta kuwaas oo ay ka mid yihiin inay ku yar tahay haweenka isu tanaasul kolka ay u tartamayaan siyaasada,  halka ay ku sheegtay wasiirku inay tahay caqabada ugu weyn Odoyaasha dhaqanka oo aan haweenka u ogolayn inay kusoo saaraan arrimaha siyaasada.

IMG-20160817-WA0010Waxaa kale oo ay sheegtay Wasiir Aniso inay tahay caqabada ugu weyn ee haweenka hortaagan Odoyaasha dhaqanka oo aan ogolayn inay soo saaraan , Iyadoona sharaxday muhiimiyadda ama baahida loo qabo sidii haweenku wax u baran lahaayeen , taas oo ay sheegtay inay meesha ka saareyso in laga hor istaago fursadaha ka jira dalka .

Madaxda ka socotay Hay,adda Qaramada midoobay ee maanta kala qeybgalay wasaaradda kulanka ay qabatay ayaa dhankooda sheegay inay ku qanceen macluumaadka ay goobta ka sheegtay Wasiirka Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Islamarkaana ay mar walba garab taagan yihiin sidii haweenku u heli lahaayeen xuquuqdooda.

Sidoo kale Wasaaradda Haweenka ayaa maanta soo xirtay shir looga hadlayay maamul baahinta iyo siday uga faa,iideysan lahaayeen haweenku , Waxaana maal-galinayay shirkan hay,adda UNDP qeybteeda mashruuca JBLG-ga .

Waxaana loo qabtay shirkan qeybaha kala duwan ee bulshada oo haweenku ugu horeeyo , waxaana kazoo qeyb galay haweenka u sharaxan kuraasta baarlamanka Somalia sanadka 2016.

Shirkan maanta kusoo xirmay Garowe ayaa mid la mid ah horey wasaaraddu ugu qabatay gobolada Puntland sida Bari, Karkaar iyo Mudug .

Isku soo wada duuboo Wasaaradda Haweenka Puntland ayaa todobaadyadii lasoo dhaafey dar dar galinaysay sidey haweenku uga qeyb qaadan lahaayeen siyaasada dalka gaar ahaan doorashooyinka soo socda ee 2016-ka.

IMG-20160817-WA0000 IMG-20160817-WA0001 IMG-20160817-WA0002 IMG-20160817-WA0003 IMG-20160817-WA0005 IMG-20160817-WA0007 IMG-20160817-WA0009 IMG-20160817-WA0010 IMG-20160817-WA0011 IMG-20160817-WA0012 IMG-20160817-WA0014 IMG-20160817-WA0009 IMG-20160817-WA0014 IMG-20160817-WA0016 IMG-20160817-WA0025 IMG-20160817-WA0026 IMG-20160817-WA0028 IMG-20160817-WA0032 IMG-20160817-WA0033 IMG-20160817-WA0034 IMG-20160817-WA0035 IMG-20160817-WA0036 IMG-20160817-WA0037Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Wasaarada Haweenka Puntland oo dardar-galinaysa doorka haweenka doorashada 2016 appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>