Garowe (Puntland Post):- Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Dowlada Puntland Shire Xaaji Faarax ayaa maanta Garowe ka furay shir wasaaradiisu u qabatay wakiilo ka socda dhamaan hay,addaha caalamiga ah ee xarumaha iyo xafiisyada ku leh magaalo madaxda Puntland.
Shirkan ayaa mid sanadle ah oo ay sanad kasta qabato Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ee Puntland,waxaana diirada lagu saarayaa in lagu ogaado wax-qabadka 12 bilood ee u danbeeyey Hay,addaha fadhiyada ku leh Puntland.
Wasiir Shire Xaaji Faarax ayaa sheegey in wasaaraddu sanadkan qiimayn ku samaynayso mashaariicda ay qabteen Hay,adduhu, Dabal-gal lagu samaynayo qariirada meelaha laga fuliyay , Goobaha aan wali mashaariic laga fulin, iyo Sidii wasaaraddu u kala hagi lahayd in hal deegaan mashaariic isku mid ah Hay,adduhu ay ka fuliyaan.
Kusimaha Agaasimaha guud wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga Puntland Maxamuud Cabdulaahi Yuusuf oo isna ka hadlay shirka ka furmay Garowe sheegey in dib u eegis lagu samaynayo mashaariicda hay,adduhu ka qabteen Puntland.
Waxaana uu sheegey Agaasime Maxamuud inay tahay ujeedka laga leeyahay sidii wsaaraddu xog uga siin lahayd deeq bixiyaasha mashaariicda waxqabadyada dalka laga fuliyo , si la mid ahna loo baahan yahay inay isku mid ah uga war hayaan dowlada iyo hay,addaha qudhoodu mashaariicda dalka laga fuliyay.
Daawo Kusimaha Agaasimaha Guud Wasaaradda Qorsheynta
Sidoo kale waxaa dhinac socda shirkan qorshe Wasaaradda qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga sanadkan ku doonayso inay kusoo bandhigaan hay,addaha UN-ka mashaariicda ay ka qabtaan Puntland iyo Sidii qiimeyn loogu sameyn lahaa mashaariicdooda.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST.
The post Wasaarada Qorsheynta Puntland oo dib u eegaysa guud-ahaan mashaariicda appeared first on Puntland Post.