Mudane ka tirsan baarlamanka Dowlada Puntland ayaa ka hadlay xilliga kala guurka ee doorashada dalka Somalia, wuxuuna ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan sidii ay u xulan lahaayeen masuuliyiin bad-baadin karta , Islamarkaana ka saari karta dalka marxalada uu ku jiro.
Xildhibaan Maxamed Axmed Jaceel oo ah gudoomiye kuxigeenka guddiga arrimaha gudaha baarlamanka Puntland ayaa si gaar ah fariin ugu diray bulshada Soomaaliyeed ,Isagoona ugu baaqay in taladu maanta gacantooda ku jirto , looogana baahan yahay inay ka fikiraan masuuliyiinta u matalaysa aqalka sare iyo kan hoose ee Somalia.
Sidoo kale waxa uu ugu baaqay Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) inuu si cadaalad ah ugu qaybiyo beelaha kuraasta aqalka sare ee Puntland ka heshay dowlada Federalka Somalia .
Daawo Xildhibaan Maxamed Axmed Ibraahim.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Xildhibaan Puntland oo ka hadlay doorashada 2016 ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.