Rasaas goos goos ah ayaa maanta laga maqlayay galbeedka xaafadda Garsoor magaalada Gaalkacyo,ka dib markii sida la sheegey uu maamulka Galmudug dhisme lagu sheegay saldhig ciidan uu ka billaabay galbeedka xaafadda Garsoor oo uu ka taliyo maamulka Puntland,
Ciidamo ka socda Puntland ayaa ku guulaystay inay burburiyaan goobtii uu ka socday dhismaha saldhigu, Iyadoona ciidanka amaanka Gaalkacyo ee Puntland si buuxda ula wareegeen goobtaas.
Duqa magaalada Gaalkacyo Yaasiin Axmed Tumay oo warbaahinta la hadlay waxa uu digniin u diray darawalada gadiidka dadka qaada oo lagu eedeeyay inay qoysas qaxaya ka daad gureeyeen xaafadaha ku dhow halka laga burburiyay saldhiga.
Dhinaca kale waxaa maanta la fasaxay qaar ka mid ah dugsiyada waxbarashada ee magaalada Gaalkacyo sababo la xiriira cabsi laga qabo xiisada saldhigan oo dagaal isu bedesha , wallow hadda xaaladdu degan tahay.
Odayaasha dhaqanka ayaa bilaabay waan waan lagu qaboojinayo xiisada ka dhalatay dhismaha saldhiggan oo sida la sheegay saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay Galmudug ka dhisaysay Galbeedka Xaafada Garsoor.
Dhagayso Duqa Gaalkacyo.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Gaalkacyo xiisad ka dhalatay Saldhig laga burburshay Galmudug appeared first on Puntland Post.