Garowe (Puntland Post):- Ayuub Maxamed Cabdi waa saddex sano Jir ku xanuunsan Magaalada Garoowe,wuxuuna qabaa xanuun uu ku dhashay oo dhanka xubinta taranka raga ah taasi oo uu ka qabo cillad rabaani ah oo uu ku dhashay sida ay ii
sheegtay hooyada dhashay wiilkaani yar Xilli aan Booqday guriga ay ka dagantahay magaalada Garoowe.
Ayuub waxaa gabi ahaanba malaasan xubintii taranka oo inyar ay ka joogto wuxuuna dhibaato xoogan ku qabaa xilliyada kaadida waxayna ku haysaa xanuun sida ay ii sheegeen qoyska ayuub sanooyinkaa uu jirayna wuxuu ku sugnaa marxaladaasi adag ee caafimaad.
Qoyska ayuub oo ay ugu horayso Hooyo Maryam Maxamed Faarax waxay dadaal badan u galeen sidii ay ula tacaali lahaayeen xanuunka uu wiilkoodu ku dhashay waxayna geeyeen dhakhaatiir badna oo wadanka Gudihiisa ah iyadoona gabagabadii loo cadeeyay in aan Ayuub waxba loogaga qaban Karin Gudaha wadanka uuna u baahan yahay dhakhtar dibada ah .
Ayuub wuxuu qoys ahaan ka soo jeedaa qoys danyar waxaana hada gacanat ku haysa Hooyadiis maadaama ay aabihii Dhalay wiilkan yar iyo hooyadii kala tageen wuxuuna ku hayaa hooyada dhashay wiilkan wal wal ballaaran
oo ku saabsan mustaqbalka Caafimaad ee willkeeda .
Hooyo maryan waxay ka sin a xariisi ku dheehantahay uga codsatay Bulshada soomaaliyeed ee ku nool dal iyo dibadba inay caawiyaan wiilkeedan yar ee xanuunsan kulana dadaalaan sidii uu u heli lahaa dhakhtar dibada ah si ay wax isaga bedesho xaaladiisa caafimaad , waxayna xustay inay dadaal badan u gashay inay dhakhtar caafimaad oo dalka gudihiisa ah hesho balse taas ay ku guulaysan wayday islamarkaana aysan maanta u haysan awood dhaqaale oo ay dibada ugu ka xayso sidaas darteedna ay codsi u dirayso bulshada Soomaaliyeed .
“Waxaan ka codsanyaa Bulshada Soomaaliyeed inay ii soo caawiyaan oo ay wax igala qabtaan xanunka wiilkan maadaama wadanka waxba loogaga qaban waayay mahaysto dhaqaale aan dhakhtar dibada ugu dhigo ,waxaan ahay
hooyo danyar ah oo aan shaqayn xanuunka wiilkayguna waa I dhibayaa si naxariis leh ummada Soomaaliyeed waxaan ka codsanayaa mar kale inay I soo caawiyaan Mar kasta oo ay kaadiyi qabato wuxuu dareemayaa xanuun maan ceshan karo mar xalad kasto oo uu ku jiraba “sidaasi waxaa tiri Hooyo Maryam.
Hadaba wall aan is caawino oo aan gacan ka gaysano caawinaada wiilkan yar ee xanuunsan ee ka soo jeeda qosykan danyarta ah sadaqadeenaan kula baxno.
Hadaba kala Xiriir Numberadaan Hoos ku qoran si aad u hesho faahfaahin dheeriya:-
- Hooyo Maryam Maxamed Faarax : +252907786817
- C/laahi Axmed Maxamuud: +252907423083
Wixii caawinaad ah walaal waxaad ugu soo hagaajin kartaa akoonada hoos ku qoran :
Amal Bank acc: 878998
Salaam Bank acc: 80196734
Sahal Number: +252907786817
Daawo Muuqaalka Codsiga Waalidka Ayuub Yarre
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wiil-yar oo ku xanuunsan Garowe oo u baahan gurmad dag-daga appeared first on Puntland Post.