
Madixii Waxbarashada Al-shabaab ee Goballada Bay Iyo Bakool Ibraahim Aadan Ibrahim oo ku magac dheeraa Naddara, ayaa caawa isku soo dhiibay Dowladda Soomaaliya.
Dowlada Somalia ayaa u soo bandhigtay sarkaalkaan Saxaafada, waxaana lagu soo bandhigay goordhow oo caawa ah magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia.
Ibraahim ayaa sheegay in uu ka faaideysay Cafiskii Madaxeynaha, Islamarkaana uu ka baxay fikirkii Al-Shabaab, wuxuuna sheegay in muddo ka badan 9 sano uu ka tirsanaa Alshabaab balse hadda uu ku soo biiray dowlada Somalia.
Dowlada Somalia ayaa dhowr jeer oo hore ku celcelisay inay cafis u fidisay saraakiisha iyo askarta ururka Al-Shabaab , Haddii ay si nabad galyo ah isku soo dhiibaan.
Hoos ka dhageyso Codka Sarkaalka
PUNTLAND POST MUQDISHO
The post Sarkaal sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo isku dhiibay Dowlada Somalia appeared first on Puntland Post.