Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Talyaaniga oo badbaadiyay 6,500 oo qof oo Muhaajiriin ah

$
0
0

Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in maraakiibta ilaalada xeebaha ay maalintii shalay ee Isniinta ay badaadiyeen 6,500 oo qof oo muhaajiriin ah, kadib ugu yaraan 40 hawlgal oo ka dhacay banaanka xeebaha dalka Libiya.

Muhaajiriinta ayaa sida la sheegay waxaa ay u badnaayeen dalalka Somaliya iyo Eritrea, waxaana  kamid ahaa ilmo yar oo jira 5 bilood iyo caruur kale oo aad u yar-yar iyo haween, kuwaas oo lagu qaadey diyaarad lana geeyey isbitaal ku yaala Talyaaniga, sida laga soo xiganayo hay’adda MSF oo ka qayb qaadatey badbaadinta.

Maalintii Axadda ahyd ayaa in ka badan 1,100 oo muhaajiriin ah ayaa laga badbaadiyay isla goobtaan, iyadoo gurmadka ay qeyb ka ahaayeen hey’adda xuduudaha ee midowga Yurub ee loo yaqaano Frontex, ururka Proactive Open Arms iyo hey’adda MSF kuwaas oo caawinaya dadka muhaajiriinta ah.

Kumanaan  kamid ah muhaajiriinta ku biimaynaya naftooda safarada khatarta badan ee badda Mediterranean ee u dhexeysa qaaradda Afrika iyo Yurub ayaa u jeedkoodu yahay in ay helaan nolal ka wanaagsan tii ay wadankooda ku heysteen.

t1

t2

t3

t4

t5

t6

t7

t8

t9

t10

t11

t12

PUNTLAND POST

The post Talyaaniga oo badbaadiyay 6,500 oo qof oo Muhaajiriin ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>