Madaxweynaha Wadanka Masar Cabdi Fitaax ACC Ayaa Warqadaha Aqoonsiga ee Safiirnimo ka Gudoomay Safiirka Somalia u fadhin Doono Dalka Masar.
Mudane Cabdiqani Maxamed Waceys Safiirka Cusub ee dowlada Masar Somalia ayaa u mahad Ciliyay Madaxweynaha Dalka Masar sida wacan ee uu uga gudoomay Warqadihiisa Aqoonsi safiirnimo ee wadanka Masar.
Madaxweynaha Masar ayaa isna dhankiisa sheegay in dowladda Masar ay garab taagantahay dowladda Soomaaliya , islamarkaana safiirka looga baahan yahay in uu sare u qaado xirriirka iyo cilaaqaadka ka dhaxeeya labada dal.
Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaaliya iyo sidoo kale Masar ay ka dhaxeyso Xiriir Qoto dheer oo Dhinaca Diplomaasiyada ah .
PUNTLAND POST
The post Madaxweynaha Masar oo Warqadaha Aqoonsiga Safiirnimo ka Gudoomay Safiirka Somalia ee dalkaasi appeared first on Puntland Post.