Qoxoti soomaliyeed o ku sugan xereda qoxootiga ee Dha dhaab ayaa ku go,doonsan Dhagaxley ooka tirsan Dha Dhaab qoxootigan ayaa dib loogu celin lahaa gudah wadanka somaliya .
Arinkaa ayaa yimid kadib markii dadkaasi la qorsheeyay in Soomaaliya loo celiyo balse dawlad goboleedka Jubaland ay sheegtay in aan la keenin qaxootigaa Jubaland ama Soomaaliya inteeda kale ilaa amar dambe.
Waxan aya dawalada gobaledka Jubaland ay ka digatay in marka hore la ogaado masiirka qoxotiga kohor inta aan la soo celin.
Qoxootigan oo la hadlay qaar ka mid aha war baahinta ayaa sheegay in ay ku dhibban yihin halka sida kumeel gaarka ah loogu hayo Madama ay hore u soo xaraasheen gur yohoodii.
Labo maalmood ka hore, UNHCR iyo dawlad goboleedka Jubaland ayaa heshiis ku meel gaar ah ka gaaray soo celinta qaxootiga Soomaalida ah ee kunool xerayaha Dhadhaab.
Heshiiskaa ayaa labada darafi ay ku kala saxiixdeen maagaalada Kismaayo ee Jubaland Soomaaliya.
Labada dhinac ayaa ku heshiiyay in intii horay loo soo celiyay maahee qaxooti kale aanan la keenin Jubaland ilaa amar dambe ilaa nolol wanaagsan looga aslaaxinaayo qaxootiga lasoo celinaayo gudaha Jubaland iyo xataa qeybaha kale ee Soomaaliya.
Qaxootigii la celiyay oo dawlada Jubaland ay sheegtay inay weli ku dhibban yihiin meelihii la geeyay maalmihii lasoo dhaafayna ay arinkaa ka cabanaysay ayaa waxaa labada daraf haatan ay ku heshiiyeen in UNHCR ay saacido ayana.
In ka badan Sadex kun oo qoxooti somaaliyeed ah ayaa wali ku xaniman Xeryaha qoxotiga ee Dalka kinya
Waxayna dawalad gobaleedka jubaln ay sheegtay in aan qoxooti kale la soo galin deeganada ay ka taliyaan inta nolal fican lo radinayo qoxootigii hore loo keenay kuwa kalena laga fakaro nola shooda iyo goobihi la dajin lahaa
The post Qaxooti Soomali ah oo ku xayiran Xeryaha Dhadhaab appeared first on Puntland Post.