Beesha Caalamka ayaa sheegtay in ay bixisay dhaqaalihii ay ugu tala galeen Doorashada Soomaaliya ee sanadkan lagu wado in ay dalka Ka dhacdo.
War kasoo baxay Qaramada Midoobay , Midowga Afrika , Midowga Yurub , Urur goboleedka IGAD, Mareynkanka, Boqortooyada Engriiska , Sweden iyo Talyaaniga ayaa lagu sheegay in ay bixiyeen dhaqaalihii loogu tala galay Doorashada Soomaaliya 60% si loo sii amba qaado howlaha doorashooyinka Soomaaliya.
Warka Kasoo baxay Beesha Caalamka ayaa sidoo kale lagu sheegay in ay muhiim tahay in hore loo ambaxa qaado howlaha doorashooyin , islamarkaana aan lagu mashquulin waxyaabaha doorashooyinka dib u ridikara.
Beesha Caalamka ayaa sidoo kale Madaxda dowladda Somaliya ugu baaqay in ay ilaaliyaan waqtiga Doorashada , waxayna ku taliyeen in doorashada Aqalka Sare, Aqalka Hoose iyo tan Madaxweynaha in ay muhiim tahay in ay ku dhacdo waqtigii loogu tala galay.
Xubnaha Beesha Caalamka ee lacagta bixiyay ayaa sidoo kale waxa ay codsadeen in doorasho xalaal ah oo ay ku wada qanacsan yihiin bulshada Soomaaliyeed in ay dalka ka dhacdo.
“Waa muhiim in ay Shaqadu bilaabato si doorashadu ugu dhacdo waqtigii loogu tala galay” Ayuu yiri Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Michael Keating.
Keating ayaa sidoo kale sheegay in ay Soomaaliya galeyso Marxaladu kala duwan sidaas darteedna loo baahan yahay in si wadar ah looga qeyb qaato.
Beesha Caalamka ayaa sheegay in ay la shaqeyn doono dhinacyada kala duwan ee ay khuseyso Doorashada Soomaaliya.
Soomaaliya ayaa la filayaa in doorasho ay ka dhacdo, waxaana shaki la galinayaa in sidii loo qorsheeyay uu u hirgalo jadwalka doorashada Soomaaliya, waxaana Madaxda Madasha Wadatashiga Qaran marar badan ku celiyeen in dooarashada waqtigeeda ay ku dhaceyso.
PUNTLAND POST
The post Beesha caalamka oo 60% bixisay Dhaqaalahii Doorashada Somaliya appeared first on Puntland Post.