Sawir qaade reer Giriig ah oo lagu magacaabo Aris Messinis ayaa ku guulaystay Abaalmarinta sawirrada wararka ee loo yaqaano Visa d’Or, sawirrada uu abaalmarinta ku helay ayuu ka qaaday dad Muhaajiriin ah oo ka soo dagay jasiiradda Lesbos sanadkii hore.
Sawir qaade Aris Messinis oo u soo shaqeeyay wakaaladda wararka ee Faransiiska ee AFP wuxuu horay ugu guulaystay abaalmarino uu ku helay sawiro uu ka soo qaaday deegaanno ay dagaal ka jireen.
Aris Messinis Waxa kale oo uu sheegay in uusan marnaba niyada galin in sawirro kaga warami doono dalkiisa.
Arrinta kale ee xusida mudan ayaa ah in uu mararka qaar kaameeradii iska dhigay oo uu caawiyay dad uu arkay in ay xaalad adag haysato.
Daawo Qaar ka mid Sawiradii uu Abaalmarinta ku mutaystay Aris Messinis.
PUNTLAND POST
The post Sawirro laga qaaday Muhaajiriin, oo abaal marin lagu Mutaystay appeared first on Puntland Post.