Wararka naga soo Gaaraya Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidamada maamulka Jubbaland ay si nabad ah ula wareegeen deegaano ay ku sugnaayeen Al-Shabaab.
Ciidamada Maamulka Jubbaland ayaa la wareegay gacan ku heeynta deegaanka Cabdalla Biroole oo qiyaastii 60 KM Dhanka koonfur Kaga beegan Magaalada Kismaayo.
Deegaan waxaa ku sugnaa Dhaq Dhaqaaqa Al-Shabaab oo ka soo qaadi jiray weeraro ka dhan Ah Ciidamada Jubbaland iyo kuwa Kenya ee AMISOM qeeybta ka ah.
La wareegi taankaan Ciidamada Jubbaland Ay la wareegeen Deegaanka Cabdalla Biroole Ayaa waxa ay hordhac u tahay howlgalo qorsheeysan oo Ciidamada Jubbaland Al-Shabaab uga saarayaan goobaha ay ku suganyihiin ee Gobolada Jubbooyinka.
The post Ciidamada Jubbaland oo Al-Shabaab ka la wareegay Deegaano Muhiima appeared first on Puntland Post.