Ciidamada Daraawiishta Maamulka Jubbaland ayaa maanta la wareegey deegaanka Cabdalla Biroole oo dhanka Koonfurta kaga beegan qiyaastii 60KM magaalada Kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose.
Deegaanka Cabdalla Biroole ayaa ahaa mid ay saldhig wayn ku lahaayeen kooxda Alshabaab , waxaana dagaal aan dhiig ku daadan si nabad galyo ah saaka ula wareegey cutubyo ka tirsan ciidanka Jubaland iyo kuwa AMISOM oo iskaashanaya,ka dib markii ay halkaas isaga baxeen kooxda Alshabab.
Dadka deegaanka ayaa si diiran ugu soo dhaweeyey ciidanka maanta la wareegey deegaanka Cabdalla Biroole oo ka tirsan Gobolka Jubadda hoose, waxaana uu qeyb ka yahay howl-galkan mid uu maamulka Jubaland uu ugu magac daray Wabiga Jubba kaas oo la sheegey in Alshabab lagaga sifeynayo dhamaan deegaanada hoostaga maamulka Axmed Madoobe.
Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa horey u ballan qaadey inuu sida ugu dhakhsiyaha badanhowl-galo uga bilaaban doonaan Wabiga Jubba, Wuxuuna ugu baaqay dhalinyarada la marin habaabiyay inay isaga soo baxaan duurka islamarkaana si nabadgalyo ah isugu soo dhiibaan maamulka Jubaland.
Shalay oo arbaco ah ayay ahayd markii 3 ka mid ah kooxda Alshabab ay isku soo dhiibeen ciidamada Jubaland, iyagoo wata gaari ay kala soo baxsadeen ururka Alshabab, Waxaana lagu soo dhaweeyey magaalada Kismaayo , Iyadoona ka dib uu ku xareeyey maamulka Jubaland xarunta dhaqan celinta dhalinyarada la marin habaabiyay.
Ka dib markii ay saaka la wareegeen ciidamada Jubaland deegaanka Cabdalla Biroole waxa ay gaarsiiyeen bulshada halkaas ku nool deeq raashin ah taas oo ay si diiran uga gudoomeen bulshada halkaas ku nool.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Jubbaland oo Alshabab kala wareegtay deegaanka Cabdalla Biroole appeared first on Puntland Post.