Indhaha Mucaashaqiinta kubada cagta ayaa mar kaliya ku soo wada jeedsan doona goor dhow oo galabta ah garoonka Old Trafford marka ay labada tababare ee sida wayn u soo xifiltami jiray ee Jose Mourinho iyo Pep Guardiola ay iskala horyimaadaan kooxaha colaada gaamurtay ka dhexayso ee Manchester United iyo Manchester City.
Kulankan oo markiisii horeba ahaa Derby Manchester ayaa xiiso gaar ah lahaa isla markaana aan waxba layskula hari jirin marka ay garoomada kuwada kulmaan, waxaa misane xamaasad dheeri ah u sii yeelay inay labada kooxood kala hor kacayaan macallimiinta sida wayn u xifaaltama ee Jose Mourinho iyo Pep Guardiola.
Manchester United ayaa saddexdii kulan ee ugu horeeyay guulo ka soo gaadhay kooxaha Bournemouth, Southampton iyo Hull City oo ay si dirqi ah saddexda dhibcood kaga heshay halka kooxda Sky Blues ay guulo muhiim ah ka soo gaadhay kooxaha Sunderland, Stoke City iyo West ham United, sidaa daraadeed waxay labada kooxood doonayaan in ay sii wataan guulaha xidhiidhka ah ee ay soo wadeen.
XOGTA KULANKA :
KULANKA: Manchester United vs Manchester City
TARTANKA: Premier Leaque-ga Kulankiisa 4-aad
GAROONKA: Old Traffrod
WAQTIGA: 2:30 Galabnimo Sacada Geeska Afrika
GARSOORAHA: Mark Clattenburg
SHAXDA MACQUULKA AH EE LABADA KOOXOOD
PUNTLAND POST
The post Falaaqayn: Kulanka Manchester Derby appeared first on Puntland Post.