Manchester City ayaa guul ka gaartay kulankii Manchester Derby iyadoo Manchester United ku garaacday 2-1 kulan ka dhacay garoonka Old Trafford.
Man United ayaa guul dareysatay kulankii ugu horeeyay Manchester Derby ee horyaalka England xili ciyaareedkan iyadoo ay u tahay guuldaradii kowaad macalinka reer Portugal ee Jose Mourinho.
Laba gool oo ay City u dhaliyeen qeybta hore ciyaarta Kevin De Bruyne Iyo KelechiIheanacho ayaa guul u horseeday kooxda ka dhisan Etihad Stadium, halka golka qura oo ay gurigooda ku dhaliyeen United uu dhaliyay Ibrahimovic dhamaadkii qeybta hore ciyaarta.
Manchester City ayaa si dar-dar awoodeed iyo kubad heysasho ah ku bilowday ciyaarta iyadoo marti ah wiilasha Pep Guardiola ayaana u muuqday kuwa ku raaxeysanaya kubaddaha.
Manchester City ayaa haatan si kumeel gaar ah u hogaamineysa horyaalka iyadoo leh 12-dhibcood, waxaana laga sugi donaa hadii Blues ay kala wareegto hogaanka kooxdaan iyadoo kaashaneysa dhanka goolasha.
PUNTLAND POST
The post Manchester City oo Guul ka gaartay kulankii Manchester Derby appeared first on Puntland Post.