Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Waa wareey! Baddeennii markale la dhacyeey.

$
0
0

Akhristow aan ku billaabee madaxweyne Xasan Sheekh waxaa uu amray in Soomaaliya loo dooxo oo gosha looga wareemo caddaawaha dhul boobka ah. Waxay ahayd Sanaddii 2009-kii bishii Abriil 7-deedii markii wasiirkii Iskaashiga iyo xiriirka caalamiga ahaa ee C/raxmaan C/Shakuur Warsame uu saxiixay heshiis dhagari ku jirtay. Heshiiskaas oo jideynayay in Kenya ay Soomaaliya kula muransantahay dhul badeed ama in Kenya iyo Soomaaliya ay ku muransanyihiin dhul badeed.

Heshiisku wuxuu jideynayay in labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya ay isla fahmeen islana garwaaqsadeen inuu jiro murankaas dhul badeed. Taas  oo waddada u xaareysa ineey labada dal isla aadaan dhexdexaadiye caalami ah oo wax kala yiraahda ama wax u qeybsha. Dhexdhexaadiyahaas Caalamiga oo noqonaya Qaramada Midoobay (UN) hay’addeed dhexdexaadinta murannada badaha ineey dhexgasho si ay u dhexgahso labada dal una kala goyso dhulka ay isku hayaan. Akhristoow ogow dhulkaasi waa kii Soomaaliyeede.

badaWaxaa haddaba akhristoow la yaab leh inaan Soomaaliya iyo Kenya weligood muran badeed dhexmarin. Laakiin taa beddelkeeda ay xaqiiqo ahayd inuu weligii soo jiray muran labad dal u dhexeeya oo ku sabsan qadiyaddii dhulka Soomaalida ee Kenya uu Ingiriisku ku daray ee loola baxay Waqooyi-Bari Kenya ama Ingiriisku u yiqiin Northern Frontier District (NFD).

Heshiiskaas dhagarta ahaa ee saxiixay C/raxmaan C/shakuur Warsame waxaa ugu wacnaa lababo ay ka mid ahaayeen

1.       Damac waalli ah oo ay qabto dowladda Kenya oo dhinaca kheyraadka dabiiciga ah sida shidaal iyo gaas ku jira badda Soomaaliya ee koonfurta durugsan ee xigta biyaha Kenya.

2.       Hay’ado caalami ah oo dhagar qabayaal ah oo shidaalka qoda kana soo jeeda dalka Norway oo qandaraas ku helay qodidda kheyraadka dabiiciga ah ee dalka Kenya. Kuwaas oo uu damac ka galay kheyraadka dhinaca Soomaaliya ku jiray ee xadka ay Kenya Soomaaliyo la wadaagto ku jira isla markaana doorbidayna intii ay dhinaca Soomaaliya oo aan dowlad fadhidaa markaas ka jirin u doonan lahaayeen qandaraas, ineey Kenya ku caawiyaan boobka dhulka dadka Soomaalida ah oo daqaallo sokeeyo ragaadiyeen aadna u jilicsanaa oo loo arkayay inaanay is difaaci Karin.

3.       Aqoon yarida, waddaniyad la’aanta iyo han yarida dhagarqabe C/raxmaan C/shakuur Warsame oo markaasi hayay xil lagula khaldamay isla markaasina uusan fahansanayn mas’uuliyadda ku lugta leh iyo taxadarka laga rabay inuu yeesho markuu qaadayo talaabooyin diblomaasiyadeed iyo saxiixidda heshiisyo caalami ah sida midkaas oo kale.

Waxaa haddaba Alle Weyne nagu badbaadshay:-

1.       Feejignaanta dadka Soomaaliyeed oo markiiba mudaaharaadyo iyo protest kala hortegay heshiiskaas dhagarta ah ee lagu kala iibsan lahaa dhulkaas Soomaaliyeed.

2.       Baarlamanka Federaalka oo weydba ha iska ahaadaane Alle saloonsiiyay ineey ka jowaabaan qeylodhaanta shacabka Soomaaliyeed ee dhulkoodii dhagarqabeyaal u tashadeen in lakala iibsado.

3.       Qaramada midoobay oo awalba la yaabanayd Soomaali dhulkeeda iibineysa iyo diidmo xoogan oo ka timi dhinaca baarlamaanka Soomaaliya oo ka daba tagtay dooddii Kenya u gudbisatay Qaramada Midoobay. Taas oo lagu buriyay heshiis ku sheeggaas dhagarqabayaasha iyo dullaaddadu ku kala saxiixdeen Nairobida Kenya.

4.       Shirkadihii tuugada ahaa oo kala dhuuntay iyagoo ka baqaya in fashilka ku yimi qorshihii xeeladaysnaa ee dhaca dhulka Soomalada kaas oo ku yimi baraaruggii shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamankoodu ay u baraarugeen dhagarta heshiiska, ineey ku waayaan sumcadda wajiga ganacsi ee caalamiga ah.

fowsiyo-478x250Akhristow haddaba waxaa mar qura dibedda u soo baxay heshiis kii la mida oo ay marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan – wasiiradda arrimaha debedda Soomaaliya ay wax ka soo saarto isla markaana saxiixdo warsaxaafadeed dhagarqabanimo ah oo u gogol xaaraya, cudurdaaraya iyo garna u siinaya dowladda Kenya ineey dacwad u gudbisato Qaramada Midoobay iyadoo ku doodeysa in Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhexeeyo muran dhinaca badda ah iyo in loo baahan yahay in loo kala xadeeyo badda. Badda la loo kala xadeeynayaana waa tii Soomaaliya ay laheede ogow. Waxay warsaxaafadeedka la soo saartay wasiiradda Arrimaha debedda ee Kenya marwo Aamino Jibril Maxamed.

Press release ama warsaxaafadeed ay soo saareen Labada wasiir arrimo debedeed ee Soomaaliya iyo Kenya marwo Fowsiya Yusuf X. Aadan iyo marwa Amina Jibril Maxamed taariikhdu markeey ahayd Mishii Maajo (May) 31-keedii 2013-ka ayaa waxaa ka soo dhexmuuqday paragraph u qoran sidan “The ministers underlined the need to work on a framework of modalities for embarking on maritime demarcation”   taas micnaheedu yahay “Labada wasiir waxay hoosta iskala xariiqeen ama isla garteen baahida loo qabo in la sameeyo qaab nakhshadeysan oo lagu bilaabayo xadeynta badda” waa muran horleh oo laga abuurayo xudduud baddeedda Soomaaliya iyo Kenya. Waa Bilowga jidsiin loo jidsiinayo Kenya ineey tusto caalamka iyo Qartamada Midoobay ineey Soomaaliya u heelan tahay ineey dhulbadeed Soomaaliya leedahay ama ay haysato ay Kenya ku muransan yihiin isla markaana dhexdhexaadin iyo dhexgal u baahan yihiin si wax loogu qeybsho oo macnaheedu yahay markeey u yaraato in dhulbadeen Soomaaliya leedahay Kenya qeyb laga siiyo.

Akhristo arrintaan ayaa lagu fasiri karaa dhowr masalo mid ama xayn ka mid ah.

1.       Waa tan koowaade inaanay marwa Fowsiyo Yuusuf kaba warheynin waxay saxiixday aqoonta ay u leedahay luqadda diblomaasiyadda oo yar daraadeed iyo iyadoo aan la tashan ama haysanba kaaliyaal aqoon u leh qaabka iyo luqadda lagu qoro heshiisyada calamiga ah.

2.       Waa tan labaade marwa Fowsiyo Yuusuf in loo hoosgeliyay paragraph-kan oo ay si dayacaad iyo u fiirsi la’aan ah ay u saxiixday.

3.       Waa midda seddexaade in marwa Fowsiyo looga faa’iideystay xaalado maandoorsanaan ah.

4.       Waa midda afaraade in marwa Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan iyadoo ka jowabaysa cadaadiska dowladdeeda ka saaran maamulka Jubaland ee Kenya deriska la ah saaxiibtinimaduna ka dhaxayso, loo hoos dhigay ineey qalinka ku duugto si ay ugu beddelato dowladda Kenya oo siyaasaddeeda u janjeerisa tan madaxweyne XASAN SHEEKH MAXAMUUD ee ku wajahan maamulka Jubaland.

Akhristow middeey/kuwey tahayba waxaa marag ma doonto ah in dhul Soomaaliyeed loo loogay shisheeye. Waa mission-kii labaad ee ay wasiiradda arrimaha debedda ee dalka Kenya ku soo guuleysato ku iibiso siyaasadda dalkeeda intii aay qabatay jagada wasiirka arrimaha debedda ee dalka Kenya. Labada mission ayaa kala ahaa:-

1.       In siyaasadda dowladda Kenya ay difaacdo shirkii 24aad ee wasiiradda arrimaha debedda ee urur goboleedka IGAD 24kii Maajo 2013-ka. Shirkaasi oo laga soo saaray heshiis dib ka noqday warsaxaafadeedkii shirkii ka dambeeyay ee 22aad madaxweynayaasha urur goboleed IGAD ee isla 24kii bisha Maajo 2013ka ku qabsoomay magaalada Addis ababa ee Itoobiya. Warsaxaafadeedkaas oo muujinayay in lagu heshiiyay inaan waxba lagu heshiin.

2.       Mission-ka labaad ee sida xaladeysan ay guusha u gaartay marwa Amino Jibriil ayaa ahaa ineey dalkeeda uga saxiixdo Soomaaliya wasiiraddeeda arrimaha debedda marwa Fowsiyo Yuusuf ineey u hibeyso qeyb ka mida badda Soomaaliya. Taasoo loola jeedo ineey marwa Fowsiyo u ogolaatay dhiggeeda dalka Kenya in loo gogol xaaro sidii loo qori lahaa inuu jiro xuduudbadeed loo kala calaamadinayo Soomaaliya iyo Kenya oo haddii la isku afgaran waayana uu muran jirayo. Murankaasoo loo gudbin doono hey’ado caalami ah sida Qaramada Midoobay si ay u dhexdhexaadiyaan labada dal waxna loogu kala gooyo.

Marwo Fowsiyo Yuusuf Xaaji Aadan waa wasiiradda arrimaha debedda ee Soomaaliya e waxay ku guuldareysatay arrimaha hoos ku xusan:-

 

1.       In marwadu ay fahanto wixii ay ku saxiixday shirkii 24aad ee wasiirrada arrimaha debedda ee dalalka IGAD ee 24/05/2013 iyadoo habkii ay u sharaxday heshiiskaasi wasiiraddu ay saxaafadda aad uga muuqatay fahan yarideeda iyo xirfad darrideeda. Sidaan kor ku soo sheegayna marka la eego luqadda diblomaasiyadeed ee warmurtiyeedkaasi ku qornaa ay muujineyso in lagu heshiiyay inaan waxba lagu heshiin.

2.       Arrinta labaad oo ah ineey marwadu ku fashishay ineey ka baaqsato ineey paragraph-kaas laga saaro warmutiyeedka ay la soo saartay dhigeeda dalka Kenya.

Akhiristow haddaba arrimahan oo dhami waxay muujinayaan weydnimada aqoonta siyaasadeed ee madaxweyne XASAN SHEEKH iyo team-kiisa. Xataa haddii arrimta warmutiyeedka iyo belada ay dabad ku wadato si ula kac ah loo sameeyay waxay muujineysaa sida madaxweynuhu caalwaa uga noqday siyaasadda Soomaaliya gudadeeda ka jirta gaar ahaan Jubbooyinka iyo maamulka Jubaland, nidaamka federaaliga ah iyo maamul goboleedyada iyadoo uusan weliba dhamaystirmin sanadkii u horeeyay ee wakhtiga xukunkiisa.

Arrinta warmutiyeedka iyo waxa dabada kaga xiran ayaa gadood ka keeni doona shacabka Soomaaliyeed oo aan iyagu haba tabar daraadaane u kala harin illalinta dalka iyo xudduudihiisa. Waxaan ku baraarijinayaa shacabka Soomaaliyeed gude iyo debedba inaaney u kala harin muddaaharaadyada iyo kacdoonada lagaga cabanayo laguna hor istaagayo boobka dhulkeenna iyo dhagarqabanimada hungurixumayaasha siyaasadeed ee mansabyada lagula khaldamay loo dhiibay.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>