Horudhac: Markii la doortay madaxweyne Xassan Shiikh Maxamud waxaan ugu deeqay September 12, 2012 wax lacag iyo dahab ka qiimo weyn oo ah TALO tilmaan u ah tubta toosan si uusan u turaanturoon; Soomaalidana ay u barwaaqowdo.
Maqaalkan waxaa ka muuqda Quus iyo Qaylodhaan. Inta aan u gudo galin qoraalkeyga ila arka Soomaaliyey TALADII aan la wadaagay Madaxweyne Xassan Shiikh Maxamud.
Halkan Taabo: http://www.puntlandpost.com/viginia-maqaal-talo-iyo-tusaale-u-ah-madaxweynaha-cusub/
Waxaan Kuu Maleeyey:
Waxaan Kuu maleeyey aqoonyahan aragti dheer markaan maqlay professor Xassan Shiikh Maxamud ayaa la doortay.
Waxaan kuu maleeyey Wadani markii aan maqlay Xassan Shiikh Maxamud dalka kama uusan bixin si uu u gargaaro umadiisa.
Waxaan kuu maleeyey RAJO markii aan arkay Madaxweyne Dr. Faroole iyo muwaadiniin Soomaaliyeed taageerada ay kuu muujiyeen xilka laguu doortay “Madaxweyne”.
Waxaan kuu maleeyey in aadan waligaa dagaal sokeeye aadan ka qeyb galin; afartaada sanadoodna lagu faani doono.
Waxaan kuu maleeyey Madaxweyne soo celin doono Qarankii iyo Qiimihii Soomaaliyeed.
Waxaan kuu maleeyey in aad Qoriga dhigi doontid; Qalinkana qaadan doontid.
Waxaan kuu maleeyey khudbadii aad ka jeedisay baarlamaaka hortiisa iyo dhaartii doorashadaada ka dambeysay in ay dhab tahay.
Waxaan kuu maleeyey madaxweynaha Banaadir, Shabeelada Hoose, Jubada Hoose, Jubada Dhexe, Bay, Bakool, Gedo, Shabeelada Dhexe, Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Nugaal, Bari, Sanaag, Sool, Togdheer, Awdal iyo Waqooyi Galbeed.
Waxaan kuu meeleyey in aad isu-guurin doontid labdii Gobol iyo wixii ka badan oo israba.
Waxaan kuu maleeyey; Waxaan kuu maleeyey; Waxaan kuu maleeyey
Waxaad Noqotay:
Waxaad noqotay timirtii hore dab loo waa.
Waxaad noqotay Madaxweyne aragtidiisa aysan dhaafsiisneyn Xaad iyo xertiisa.
Waxaad noqotay Madaxweyne qoslaaya oo hadal macaan hadana qalalan.
Waxaad noqotay Madaxweyne la doortay 1991 marka la eego xaalada dalka aad galisay. (durbaan colaadeed )
Waxaad noqotay Madaxweyne Federal raba; fartana ka ilaalsanaya.
Waxaad noqotay Madaxweynaha Gobolka Banaadir.
Waxaad noqotay Nin rabay Gedo in uu Gebi ka tuuro.
Waxaad noqotay Madaxeyne halbeegiisu yahay Qaybi oo Xukun.
Waxaad noqotay; Waxaad noqotay; Waxaad noqotay
Waxaan Loo Noqon Doonin:
Waxaan loo noqon doonin 4.5 in wax lagu qeybsado.
Waxaan loo noqon doonin in dastuurka federalka la farafareeyo.
Waxaan loo noqon doonin in Xaad iyo Xertiisa talada dalka ku ekaato.
Waxaan loo noqon doonin 1991 iyo durbaan colaadeed dib dambe loo tumo.
Waxaan loo noqon doonin in SADE seefta Madaxweynaha noqoto.
Waxaan loo noqon doonin in Jubaland iyo Shabeelada Hoose jeebka la gashto.
Waxaan loo noqon doonin in Qas iyo Qeybsanaan laga abuuro JUBALAND.
Waxaan loo noqon doonin in dowlada dhexe ka awood badnaato dowladaha yaryar ee ka mid ah Dowlada Federalka.
Waxaan loo noqon doonin in la Qarsado qorshihii Ingriiska iyo Jaban.
Waxaan loo noqon doonin; Waxaan loo noqon doonin; Waxaan loo noqon doonin.
Waxaa Qoray
Abdulkadir Hindi
Boston, USA
Faafinta: Puntlandpost.com