Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxda Wadamada Bariga Afrika oo Muqdisho ka soo Dagay iyo Shirka IGAD oo Furmaya

$
0
0

Waxaa Goordhow Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Somalia Soo Gaaray  Qaar kamid ah Madaxda Wadamada Africa.

Waxaana ka mid ah Ra’isilwasaaraha Itoobiya  Hailemariam Desalegn Madaxweynaha Wadanka Uganda Yoweri Museveni iyo Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta .

Sidoo kale waxaa isna Goordhow Muqdisho ka soo dagay Madaxweynaha wadanka Djabouti Ismaaciil Cumar Gelle.

Masuuliyiintaan Ayaa ka qeeybgali Doono Shirka IGAD ee Ka Furmaya Goordhow Magaalada Muqdisho Ee Caasimada Somalia.

Sidoo Kale Waxaa iyana Magaalada Muqdisho Soo Gaaray Wasiirada Arimaha Dibada Ee Dalalka Djabouti iyo Kenya.

Amaanka Muqdisho Ayaa si aad ah loo Adkeeyay Waxaana Goob Waliba lagu arkayaa Ciidamo Katirsan kuwa Dowlada Somalia.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

The post Madaxda Wadamada Bariga Afrika oo Muqdisho ka soo Dagay iyo Shirka IGAD oo Furmaya appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>