Waxaan marka hore mahad gara ah u celinaynaa illaahay (SWT) , intaas kaddib waxaan salaamaynaa shacabka Jubbooyinka meelkasta oo ay joogaan iyo hogaanka cusub ee Jubbooyinka oo 15-kii May lagu doortay magaalada Kismaayo, kaddib markii codkii Kalsoonida ay siiyeen Ergooyinkii Soomaaliyeed ee ka qayb galay shirkaasi.
Waxaan uga hanbayeynaynaa shacabka Soomaaliyeed, siiba kuwa Jubbooyinka, taageeradii xooganayd ee ay siiyeen hogaanka Cusub ee Jubbaland, taas oo muujinaysay bisayl siyaasadeed ee ay gaareen shacabka Jubbooyinka, kuna dhiidaray inay waajib ku tahay taageerada ay siiyeen dowladooda iyo shacabkooda.
Waxaan kaloo la soconaa shacabka Jubbooyinka ay aduunka dacaladiisa ay ka taageereen Jubbaland, iyagoo Xaflado qiimo badan ka sameeyey caalamka oo idil , taas oo muujinaysa in shacabku meel kasta oo ay joogaan ay raali ka yihiin maamulka cusub ee laga dhisay Jubbaland, waxaan illaahay uga mahad naqaynaa in 22 sano kaddib laga gudbay is qab qabsi siyaasadeed, laguna heshiiyey in hore loo socdo, lana samaysto dowlad goboleed ku dhisan Federaal oo hanan karta amaanka iyo horrumarka shacabka Jubbooyinka.
Waxaan aad uga xunahay sida qaawan ee Qabiilaysiga ku dhisan ee DF ee Soomaaliya ay u wajahday arrimaha Jubbooyinka, waxaana aad ugu hanbalyeynaynaa dowlad goboleedka Jubbaland iyo shacabka Jubbaland sida taxadarka leh ee ay isaga maareeyeen dagaalkii la doonayey in laga rido magaalada Kismaayo isla markaana lagu doonaayey in la iska horkeeno shacabka Jubbaland, si loo majaxaabiyo loona soo celiyo dagaalo taariikh la leh waqtigii Gen. Caydiid.
Shacabka Jubbooyinka waxaan ugu baaqaynaa inay ka fogaadaan isku dhac dhexdooda ah , waxaana uga digaynaa kooxaha qaarkood oo deegaanka Jubbaland ka soo jeeda ee siyaasad xumada la wadaaga DF iyo Madaxweyne Xasan , waxaan ugu baaqaynaa in ay ka waan toobaan jidka khaldan ay qaateen , hadii ay doonayaan in arrimahaas lugaha kula sii jiraan waxaan ugu baaqaynaa inay iska xaadariyaan Muqdisho , laakiin aan loogu dulqaadanayn inay ammaanka iyo degenaansha ay khatar geliyaan.
Maaamulka Jubbaland maadaama ay haytaan Mandate-ka shacabka, waxaan ka muuqda jil-jileec siyaasadeed oo aan waqtigan looga baahnayn inay ku dhaqaan deegaanka Jubbooyinka. Dowlad goboleedka Jubbaland waxaan ugu baaqaynaa in amaanka ay ka dhigtaan Muhiimadooda koowaad si loo ilaaliyo nabadgelyada gobolka , shaqsigii ku xadgudbana ay Talaabo ka qaadaan , xattaa hadii ay yihiin Madaxweynaha iyo Kuxigeenkiisa Caailadooda.
Waxaa wax lala yaabo ah, in Wasiiro la ogyahay kana soo horjeeda Xuquuqda shacabka Jubbaland in loo ogolaado gudaha magaalada Kismaayo iyagoo maamulku ay ka warqabaan in ay fidno hurin u joogeen magaalada Kismaayo, waxaan garan la’nahay waxa Maxamed Amiin oo gobolka u dhashay iyo FIQI ay ku kala duwanaayeen , iyadoo la ogyahay in Wasiir FIQI uu ahaa raga loo adeegsanayey inuu khalalaase dagaal uu ka sameeyo Magaalada Kismaayo. Sharciga Maxamed Aamiin qabtay oo qaban waayey FIQI muxuu yahay? ama wasiiradii kasoo horeeyey ee Muqdisho lagu celiyey waxa uu uga duwanaa??? Waxaan aaminsamahay in dowlada Jubbaland ay ku qaldameen in magaalada Kismaayo ay ku hayaan Dhabar qabe, FIQI, oo dagaal hubaysan ka riday magaalada , si loo fashiliyo nabadgelyada ka jirta gobolka.
Kama danbeys shacabka Jubbooyinka waxaan ugu baaqaynaa in ay ka qayb qaataan taageerada iyo dhismaha deegaanada Jubbooyinka, waxaan kale oo ugu baaqaynaa in Jaaliyadaha Jubbooyinka ay si deg deg ah ay u taageeraan Dadkii iyo ciidankii Jubbaland ee ay waxyeelada ay ka soo gaareen dagaaladii maalin kalor ka dhacay magaalada Kismaayo.
Waxaan shacabka u sheegaynaa in Dad badan oo waxba galabsan ay Xabado ugu galeen guryahooda , kuwaas oo hada yaala isbitaalka magaalada Kismaayo, waxaa kaloo jira in Ciidamo ka tirsan dowlad goboleedka Jubbalad oo iyagana lagu dabiibayo Isbitaalka iyo maleeshiyaadka kale ee dagaalka ka abuuray magaalada oo iyagana dhaawacoodu uu yaalo isbitaalka Kismaayo, waxaan shacabka ugu baaqaynaa inay taageero dhaqaale la gaaraan dadkaas soomaaliyeed ee yaala Isbitaalka magaalada Kismaayo , si loo taageero dadka soomaaliyeed ee dagaaladaas ay wax ka soo gaareen.
Dhaawacaas iyo dagaaladaasna iyo dhibkii ka yimi waa in dowlada Jubbland State ay kala xisaabtanto DF ee Soomaaliya iyo hogaankeeda, jawaabna cad-na ay dowladu ka bixiso sababta ku kalifaysa in shacabkeedii iyo dowladoodii ay iska horkeento.
Waxaan Jaaliyadaha Jubbaland ugu baaqaynaa in ay illaahay ka cabsadaan isla markaasna ay wanaaga iyo horrumarka ay taageeraan .
Dalka iyo dadkuba waxay sugayaan dadka soomaaliyeed , Jaaliyadaha Jubbaland ka soo jeeda waxaan ugu baaqaynaa mar kale inay dhanka horrumarka u jeestaan, wax kasta oo khilaaf jirana ku dhamaystaan wada hadal iyo is qancin.
Waxaan hanbalyo gaar ah u diraynaa hadaan nahay shacabka Jubbaland state ka soo jeeda, dowlada Puntland oo ugu horeeyo Madaxweyne C/raxmaan Faroole , oo taageero dhaqaale iyo mid siyaasadeed u fidiyey shacabka walaalihiisa ah ee Jubbaland.
Dad badan ayaa u fasirtay taageerada Faroole inay ahayd mid qabiil ku salaysan , laakiin anagu waxaa aamisanahay Waajib illaahay saaray Madaxweynaha . maxaa yeelay dad Muslimiin ah oo 22 sano Xaqooda lagu tumanaayey inuu taageero waa waajib saliim ah , howshaas waxaa laga rabay Xasan Sheekh , guusheedana waxaa qaaday Puntland iyo Madaxweyne Faroole oo taageero weyn u muujiyey reer Jubbaland , arrinkaas oo aysan hilmaami doonin shacabka Jubbaland State, taariikhdana ay xusi doonto kii taageeray Jubbaland iyo kii ka soo horjeestay Intaba.
Ururka Badbaadada iyo Horrumarinta Jubbaland State
kala xiriir: badbaadohorrumarin@gmail.com.
Fadhiyadooda, UK, Denmark,USA, Kismaayo, Sweden, Canada