Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

KISMAAYO: Madaxweynaha Jubbaland state oo ku soo laabtay magaalada Kismaayo (Warbixin)

$
0
0

Kismaayo: (pp)- Madaxweynaha Jubbaland State Axmed Islaam (Axmed madoobe) iyo wefdi uu hogaaminayey  ayaa ku soo laabtay magaalada Kismaayo ee xarrunta gobolka J/hoose. Madaxweynaha iyo wafdigiisa oo mudo asbuuc ah safar ugu maqnaa dalka Kenya ayaa waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhoweeyey masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland oo ugu horeeyo M/kuxigeenka Jubbaland Gen. Fartaag.

Madaxweynaha Jubbaland State oo ku soo laabtay Kismaayo

Madaxweynaha Jubbaland State oo ku soo laabtay Kismaayo

Madaxweynaha ayaan loo soo galbiyey aqalka madaxtooyada Jubbaland, isagoo kulamo gooni gooni ah la qaatay masuuliyiinta gobolka, iyagoo ka wada hadlay Xaaladihii ka dhacay magaalada tan iyo intii uu ka maqnaa magaalada.

Magaalada ayaa ammaankeeda aad loo sugay , iyadoo wax walba ay u socdaan sidii loogu tala-galay. Ciidamada amaanka ayaa  aad looga dareemayaa inay amaanka ay aad u dhowrayaan , iyadoo aad looga foojigan yahay koxoo la sheegay Al-shabaab in ay si dhuumaalaysi ah ay ku joogaan  magaalada Kismaayo, isla markaasna ay ka qayb qaateen dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo dhow casho ka hor, dagaaladaas oo ay dabada ka riixaysay dowlada Xasan sheekh , si khal khal siyaasadeed looga abuuro deegaanka Jubbooyinka.

FIQIDhanka kale , dagaaladii ka dhacay Kismaayo ayaa la xaqiijinayaa inuu ku geeriyooday taliyahii Istaafka Wasiirka gaashaandhiga oo ay Istaafkiisa ay dagaaladaas si xoogan uga qayb qaateen, halka 4 ka mid ah illaaladiisa oo qaba dhaawac culus uu u qaatay magaalada Muqdisho.

Xasan Sheekh oo la soo fariisiyey Al-jaziira

Xasan Sheekh oo lagu eedeeyey dagaaladii Kismaayo

Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in rag la siyaasad ah Xasan Sheekh oo ka tirsan urur diimeed la sheego inuu ka tirsan yahay oo lagu magacaabo Dam-jadiid ayaa la sheegayaa in madaxweynaha ay ku dhaleeceeyeen in dagaaladii ka dhacay magaalada Kismaayo iyo dadkii ku dhintay uu isagu  masuul ka yahay ,maalinta qiyaamaha ahna isaga la weydin doono,  maadaama  uu u maray jid khaldan oo qabiilaysi ku dhisan , waxaana la sheegayaa in madaxweyne Xasan ay arrinkaas ku noqotay niayd jab weyn, kaddib markii ay Wadaado la siyaasad ahaa ay ku eedeeyeen  masuuliyada dagaaladii fitnada ahaa ee ka dhacay magaalada Kismaayo, ayna ku nafwaayeen shacab Soomaaliyeed oo loo baahnaa in dhiigooda la kala badbaadiyo.

Puntlandpost.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>