Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa maanta ka qeybgaley tukashada salaadda jannaasada ee marxuum S/Guuto Maxamed Rooble Jimcaale (Goobaale) oo shaley qarax ismiidaamin ah oo Muqdisho ka dhacay ku geeriyooday.
Tukashada salaadda jannaasada ee marxuum S/Guuto Goobaale, ayaa waxaa qeybgaley Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya, Ra’iisul xukuumadda, xubno ka tirsan labada gole, madaxda maamullada Galmudug iyo Koonfuur Galbeed, saraakiisha Ciidanka Qalabka Sida, iyo xubno ka tirsan qoyska marxuumka.
Madaxweynaha oo hadal kooban jeediyay tukashada salaadda kadib ayaa sheegay in marxuumka uu ahaa geesi ka wada dhintey shacabka Soomaaliyeed, naftiisana u huray inuu cadowga ka dul kiciyo dadka iyo dalka.
“Allah u naxariisto marxuumka. Waxaan mar kale tacsi u dirayaa qoyskii, eheladii, Ciidanka Xoogga Dalka iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxay marxuumka. Waxaa uu ka soo baxay kaalintii kaga aaddaneyd ciribtirka cadowga Al Shabaab oo haatan gabbalkooda uu sii dhacayo”.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka dhintey iyo shacabka Soomaaliyeedna uu ka siiyo samir iyo iimaan.
PUNTLAND POST
The post Madaxda Somaliya oo ka qaybgashay Salaadii Janaasada Marxuum Goobaale appeared first on Puntland Post.