
Saint Cloud-(Puntland Post):- Nin Toorrey ku weeraray dad wax ka iibsanayay suuq wayn oo ku yaalla magaalada Saint Cloud ee gobalka Minnesota ee dalka Maraykanka ayaa la sheegay in uu ahaa Soomaali lagu magacaabo Daahir Axmed Adan.
Aabihii Axmed Aadan ayaa wargeyska Minneapolis ka soo baxa ee Star Tribune u sheegay in Dahir uu ahaa 22 jir Arday ah oo ku dhashay Kenya balse 15-kii sano ee la soo dhaafay ku noolaa dalka Maraykanka, uusana waligii ku tuhmin in uu ku lug lahaa falal Argagixiso.
Weerarka ka dhacay magaalada Saint Cloud habeen hore ayaa lagu dhaawacay sagaal qof, dibna Booliska ayaa toogasho ku dilay ruuxii weerarka sooqaaday.
Uurka Daacish ayaa sheegatay masuuliyadda weerarkaasi, waxayna sheegeen in Askari ka tirsan uu fuliyey weerarkaas.
Masuuliyiinta Maraykanku si rasmi ah umaysan xaqiijinin aqoonsiga shaqsigii weerarka gaystay.
Dhanka kale Bulshada Soomaaliyeed ee ku nool gobolka Minnesota ayaa si weyn u cambaareeyay falkaas.
PUNTLAND POST
The post Soomaali Fuliyey Weerarkii Minnesota appeared first on Puntland Post.