Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

“Ma qabo in maamul Jubbaland ay leedahay in looga hadlo Muqdisho” (Garaad Ciid)

$
0
0

Garoowe: (pp)- Garaad C/laahi Ciid oo ka mid ah Isimada ka soo jeeda deegaanada Jubbaland iyo Puntland ayaa eedayn xoogan usoo jeediyey dowlada dhexe ee Federaalka ee Soomaaliya.

Garaad C/llaahi Cali Ciid

Garaad C/llaahi Cali Ciid

Garaadka ayaa sheegay in dowlada dhexe ee Soomaaliya ay ku guuldaraysatay wax  ka qabashada arrimaha Soomaaliya , isagoo  dhanka kale ku eedeeyey DF ee Soomaaliya in Deeqaha soomaaliya loogu tala galay ay ku ekeysay oo kaliya magaalada Muqdisho, taas oo ku tilmaamay in ay tahay arrin aan saxsanayn oo garab maraysa sharciga federaalka ee Soomaaliya.

Dowlada Federaalka ee fadhigeeu yahay Muqdisho ayuu ku booriyey  oo kale in ay aqoonsato maamulka Jubbaland state , wuxuuna garaadku sheegay in shirka la sheegay ee dib u heshiisiinta loogu yeeray ee lagu qabanayo Muqdisho ayuu ku sheegay mid aan waxba ka jirin oo aan waafaqsanayn  arrimaha maamul u samaynta Jubbooyinka, wuxuuna sheegay Garaadku in Arrimaha Jubbooyina ay dowlada Federaalka uga furan tahay oo kaliya in ay aqoonsato Maamulka Cusub ee Jubbaland, wuxuuna sheegay in  loona maray hirgelinta maamulka Jubbaland State jidka saxda ah ee uu qeexayo dastuurka Federaalka ee Soomaaliya.

Garaad Ciid ayaa ka mid ka ahaa Isimadii wax ka soo dhisay Maamulka Jubbaland , isla markaana asal ahaan ka soo jeeda deegaanada Jubbooyinka , isagoo door fiican ka soo qaatay hana qaadkii maamulka Jubbaland State ee hadda uu Madaxweyne ka yahay Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe).

Hadalka Garaadka ayaa Imaanaya Waqti dowlada Puntland la sheegayo in miiska ay u saaran tahay in ay xiriirka u jarayso DF ee Soomaaliya , oo ku guuldaraysatay arrimaha Soomaaliya iyo raadraaca dastuurka Federaalka ee Soomaaliya ay ka talaabsatay.

Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>