Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Garoowe: Caruurta Puntland oo laga talaali doono cudurka dabaysha.

$
0
0

Garoowe: (pp)- Puntland waxaa kusoo fool leh taalaalka caruurta ee cudurka dabaysha kaasi oo la qorshaynayo in lagu talaalo caruur tiradoodu dhan tahay 250,000 oo ku kala sugan Gobolada iyo Degmooyinka Puntland.

Wasaaradda Caafimaadka Puntland oo leh qorshaha talaalka caruurta ayaa sheegtey in kooxaha ku shaqada leh taalista caruurta ay howlgalayaan 17 ka bishaan sidda uu Puntlandpost.com u xaqiijiyey wasiirku ku xigeenka wasaaradda caafimaadka Puntland Dr Maxamed Xirsi Ducaale.

Dr waxa uu sheegey in qorshaha Talaalka caruurta Puntland ay tahey mid ahmiyad gooni ah u leh shacabka reer Puntland, iyadoo talaalkan uu noqon doono wajigiisi sadexaad ee Puntland,waxaana 16 bisha June lagu daahfuri doonaa olalahan ku saabsan talaalka cudurka dabaysha, iyadoo maalintii shalay kulan wasaarada caafimaadka Puntland ku qabsoomey lagu soo bandhigey qorshaha barnaamijkan sida looga howl bilaabi doono.

Barnaamijka ku saabsan talaalka cudurka dabaysha ayaa noqon doono mid ay bar bar socdaan wacyi galino bulshada lagu gaarsiinayo khatarta iyo saameynta cudurku ku leeyahay dadka uu haleelo, waxaana hadda ay wadaan hay,addaha Puntland ka shaqeeya arrimaha caafimaadka iyo kuwo bahwadaagta la ah olole loogu diyaar garoobayo talaalka dabaysha.

Puntlandpost.com
Garoowe.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>