Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Madaxweynaha Puntland oo degmada Dangorayo kaga qayb galay doorashada Golaha Deegaanka

$
0
0

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas  oo maanta  21 September, 2016 safar shaqo oo gaaban ugu amba baxay Degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal ayaa waxaa si weyn ugu soo dhoweeyey boqollaal dadweyne ah, kuwaas oo ay wejiyadooda ka muuqaneysey sida ay ugu faraxsanyihiin booqashada uu ugu yimi Madaxweynuhu.

Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa salka ku hayey ka qayb galka doorashada  Golaha cusub ee Deegaanka Degmada Dangorayo oo ka kooban 27-xubnood isla markaana  fiid-nimadii hore ee caawa lagu soo geba-gebeeyey  magaalada dangaroyo, iyadoona la doortay guddoomiye iyo guddoomiye ku-xigeen.

Doorashada ayaa u dhacday qaab gacan taag ah iyadoona ay kooramka soo xaadireen 19-mudane oo ka mid ah xildhibaanada cusub ee golaha deegaanka degmada Dangarayo isla markaana waxaa guddoomiye loo doortay Mukhtaar  Cabdiraxmaan Axmed, halka guddoomiye ku-xigeenna loo doortay  Maxamed Faarax Muuse.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa bogaadiyey qaabka ay  doorashadu  u dhacday oo ahaa mid caddaalad ah isla markaana waxaa u ballan-qaaday Madaxweynuhu in ay dawladda Puntland Gacan buuxda siin doonto golaha cusub ee deegaanka degmada Dangorayo si’ay uga dhabeeyaan hirgelinta adeegyada aas-aasiga u ah bulshada.

Madaxweynaha ayaa ku boorriyey golahaan cusub in isbeddel deg-deg ah ka muujiyo degmada maadaama ay jiraan hawlo baaxad weyn oo horyaalla golahaani cusub isla markaana looga baahan yahay in ay la yimaadaan dedaal iyo karti dheeraad ah.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxa uu ugu baaqay bulshada degmada Dangorayo in ay garab istaagaan golahaani cusub si ay ugu sahlanaato hirgelinta mashaariicaha horumarineed iyo bixinta adeegyada aas-aasiga ah ee ay ka mid taay Waxbarashada, Caafimaadka iyo nabad-geliyada.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.
img_7968 img_7969 img_7970 img_7971 img_7972 img_7973 img_7974 img_7975 img_7976 img_7980 img_7981 img_7986 img_7987 img_7988 img_7990 img_7992 img_7993 img_7994 img_7995 img_8005 img_8008 img_8009 img_8013 img_8014 img_8015 img_8023 img_8034 img_8035 img_8038 img_8041 img_8052 img_8058 img_8059 img_8061 img_8067 img_8069 img_8073 img_8078 img_8083 img_8084 img_8086 img_8087 img_8092

The post Madaxweynaha Puntland oo degmada Dangorayo kaga qayb galay doorashada Golaha Deegaanka appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>