Garowe (Puntland Post):- Cali Xaaji Warsme oo ka mid ah musharixiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Garowe, waxaana ka qeybgalay soo dhaweyntiisa qeybaha Bulshada Garowe ,waxaana looga hortagay Airporka Konoco oo Garowe u jira 40 KM.
Soo dhaweyn ka dib Dr Cali Xaaji Warsame ayaa shacabka reer Puntland uga warbixiyay safaradii uu ku tagay qeybo ka mid ah Gobollada Soomaaliya iyo Xaalada siyaasadeed ee haatan dalku ku sugan yahay.
Waxa uu sheegey Musharax Cali Xaaji Warsame in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad u baahi qaba inay helaan hogaamiye daacad iyo cadaalad ah si looga dulqaado hogamiyayaasha aan jeebkooda ka weynayn.
“Waxaan maanta isku amaani karaa anigoo aan is faanibayn inaan u shaqeeyay si daacad oo jeebkiisa ka weyn, meeshii aan tagay wax ka qabtay, iyadoo ka fiicana uga tagay. Waxaan is leeyahay 2016 Soomaaliya wax weyn ayaad kusoo kordihin kartaa,” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.
Musharax Cali Xaaji Warsame ayaa sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheikh inuu khasaariyay afar sano oo dalka Soomaaliya looga saari karay culaysyada, sidaas darteedna aanu mudnayn in lagu aamino afar sano oo dambe.
“Soomaaliya waxay diyaar u tahay inaan Afar sano oo dambe ka dhuminin, waxay doonaysaa dowlad awood leh oo isla shaqeynaysa, Soomaaliya ma doonayso ninka guulaysta ayaa wax kasta leh, Soomaaliya waxay u baahan tahay caasimada Soomaaliyeed inay ahaato meel ummadda u dhexeysa,” ayuu yiri Cali Xaaji Warsame.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Musharax Cali Xaaji Warsame oo si weyn loogu soo dhaweeyay Garowe appeared first on Puntland Post.