Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Xeer ilaaliye ku Xigeenka Maxkmada Ciidamada Somalia oo isku day dil ka bad baaday

$
0
0

Koox hubeeysan oo Wata Gaadiidka Nooca Raaxada ah ayaa isku Dayay in ay Maanta ku qaarijiyaan Magaalada Muqdisho Xeer-ilaaliye ku Xigeenka Ciidamada qalabka sida ee Somalia Gaashaanle dhexe C/llaahi Xuseen Maxamed Mayoonge.

Xeer-ilaaliye ku Xigeenka oo wata isna Gaari nooca Raaxada ah oo loo yaqaano Caribta ayaa waxaa Gaarigiisa Gaari kale lagu horjaray dabadeedna la huwiyay Rasaas.

Waxaa halkaasi ku Dhintay wadihii Gaariga Xeer-ilaaliye ku xigeenka waxaana dhaawac uu soo Gaaray Xeer-ilaaliye ku xigeenka Maxkmada Ciidamada qalabka sida ee Somalia Gaashaanle dhexe C/llaahi Xuseen Maxamed Mayoonge.

Ciidamo katirsan kuwo Dowlada Somalia Ayaa soo Gaaray Goobta kuwaasi oo howlgalo sameeyay Hayeeshee waxaa la xaqiijiyay in uu baxsaday Gaarigii wax rasaaseeyey.

Hoos ka dhageyso Warbixin.

Xasan Maxamed Samatar Cowke 

Puntland Post Muqdisho

 

The post Xeer ilaaliye ku Xigeenka Maxkmada Ciidamada Somalia oo isku day dil ka bad baaday appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles