Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Nin ku been abuurtay Puntland oo Finland lagu Maxkamadeeyey

$
0
0

Dhacdo layaab leh oo ka dhacday wadanka Finland, ka dib markii nin lagu qabtay lacag jaad oo ku dhawaad 30,000 oo Euro ah uu maxkamada u sheegay in uu lacagtaas ka soo ururiyey dadka Soomaaliyeed una u soo aruuriyey dadka reer Puntland ee ay waxyeelaysay duufaantii badda ee gobolada Puntland ku dhufatay sannadkii 2013.

Maalinkii Arbacada 21.9.2016 ayaa maxkamad ku taal magaalada Espoo ee wadanka Finland ay qaaday dacwadda ninkan oo degen isla magaalada Espoo.

Ninkan oo aan qiyaasayno in ka dib markii la qabtay ay caawiyeen oo sheekadaan u dhiseen dad iska leh ururro ku diiwaan gashan magaca Puntland ayaa wuxuu maxkamadda u sheegay in dhibka ka dhacay Puntland ay ka damqadeen shacabka Soomaalidu, ka dibna shir lagu qabtay guriga ninkii ugu da’da weynaa 12.11.2013, ayna kasoo qayb galeen dad aan badnayn isagana loogu doortay Guddoomiyaha koox loo bixiyey ”Gudiga Duufaanta”.

Ninkani wuxuu makamada horkeenay daqiiqadihii shirku dhacay iyo waxa looga hadlay,Wuxuu sheegay in dadka shirka joogey qayb ka mid ah ay kasoo jeedeen gobolada dhibku ka dhacay.

Ugu danbayn wuxuu sheegay in shirkii lagu go-aamiyey in Soomaalida laga soo aruuriyo lacag loo diri doono dadka waxyeeladu soo gaartey muddo 3 bilood gudohood ah, Go-aan ayaa lagu qaatay in lacagta la diro ugu danbayn 15.2.2014.

Sidee lacagta Booliisku ku heleen: Booliska ayaa guriga ninkan baaray 30.1.2014, mana sheegin booliisku sababta baarista, hase yeeshee waxaa loo malaynayaa arrin la xariirta Jaad. Kadibna booliska oo guriga baaraya ayaa waxay la kulmeen boorso ay ku jiro lacag dhan 27,900  oo Euro.

Jaaliyadda Puntland ee Finland

Jaaliyadda Puntland wadankan Finland waxay cambaaraysay falka noocaan oo kale oo dhibka loogu geysanayo jaaliyadda reer Puntland ee degen wadankan Finland iyo been abuurka noocaan oo kale ah oo loogu gefayo laguna been abuuranayo shacabka masaakiinta ah ee degen deegaamada Puntland.

Arrintan jaaliyaddu waxay u gudbin doontaa hay-adaha dawliga ah ururka metela jaaliyadda Puntland ee wadankan, sharcigiisa, xubnihiisa, iyo cinwaankiisaba. Hadda iyo wixii ka danbeeyana aysan dhici doonin in lagu xad-gudbo ama lagu been abuurto Jaaliyadda Puntland.

Waxaa kale oo hay-adaha ku shaqada leh u gudbin doonaa lacagtii loo diray Duufaantii Puntland ku dhufutay, magacyadii dadkii uruuriyey, sharciyaddii lagu uruuriyey, risiitkii xawaaladdii laga diray iyo video guddigii gudoomay lacagtaas. Si ay meesha uga baxdo been abuurka loo geysanayo Jaaliyadda, magaceedana lagu halaynayo.

Warka maxkamadda oo faah-faahsan halkan riix: http://www.iltasanomat.fi/kotimaa/art-2000001266175.html

Sawiradii lacagta been abuurka ah lagu uruursanayay
Sawiradii lacagta been abuurka ah lagu uruursanayay
Sawiradii lacagta been abuurka ah lagu uruursanayay
Sawiradii lacagta been abuurka ah lagu uruursanayay

PUNTLAND POST

The post Nin ku been abuurtay Puntland oo Finland lagu Maxkamadeeyey appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>