Jaamacada Bariga Africa faraceeda Garoowe ayaa kulan soo dhaweyn,isbarasho iyo xogsiin ah la qaadatay ardayda Cusub ee Maacadda kusoo biiraysa sanadkaan 2016-2017,ardaydaas oo isugu jirtay kuliyadaha kala duwan ee Jaamacadu bixiso.
Jaamacadda Bariga Afrika-Garowe oo jirsatay sanadkeedii 8aad ayaa waxay ku guulaysatay inay hirgaliso waxbarasho qancisa ardayda iyo guud ahaan bahweynta ka faa’idaysata jaamacadda bariga Africa
Kulankaan iswaraysiga iyo kala warqaadashada ah waxaa hogaaminayey gudoomiyaha jaamacadda Bariga Africa Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo gudoomiye kuxigeenka Cabdiraxmaan Ibraahim Diiriye,sidoo kale Macalimiinta iyo hormuudka jaamacada ayaa ka qayb ka haa soo dhaweynta ardadda cusub
Jaamacadda ayaa sanadkan waxay soo kordhisay kuliyado shan gaaraya oo dhanka caafimadka ah , markii ay jaamacaddu aragtay baahida loo qabo in la helo kuliyado caafimaad , waxaana ka mid ah kuliyadahaas:
- ( Public Health )
- ( Nutrition)
- ( Midwifery )
- ( Nursing )
- (Clinical Officer )
PUNTLAND POST
The post Bariga Afrika Garowe oo soo dhawaysay ardayda cusub ee sanad Jaamacadeedka 2016-2017 appeared first on Puntland Post.