Garowe Puntland Post):- Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare ee dowladda Puntland ayaa maanta daah furtay labo mashruuc oo waaweyn , kuwaas oo ku saabsan horumarinta xarumaha waxbarashada dhulka xeebaha iyo xirfad u abuurida dhalinyarada.
Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada Maxamed Cabdulqaadir Cisaman ayaa sheegay mashruuca 1aad in laga fulin doono degmooyin ka tirsan gobolada, Bari, Sanaag, Karkaar iyo Mudug, wuxuuna sheegey in dayactiro lagu sameyn doono in ka badan 30 School oo ku kala yaala, Qandala, Caluula, Laasqorey, Beyla, Xaafuun, Garacad iyo Jarriiban.
Mashruuca labaad wuxuu sheegay agaasimuhu in xirfadaha farsamada gacanta lagu bari doono in ka badan 800 dhalinyaro ah oo dhigta dugsiyada sare Puntland iyo kuwa qalan jabiyay, kuwaas oo loo sameyndoono xirfado ay ku shaqeystaan.
Wasiir ku xigeenka waxbarashada Puntland Dr. Maxamed Cali Faarax ayaa sheegay mashaariicdaan intooda badan in laga fulindoono degmooyinka kuyaala xeebaha Puntland, kuwaas oo aan horey u helin dhismayaal waxbarasho oo cusub.
Dr. Maxamed Cali Faarax wuxuu sheegay mashaariicdaan inay yihiin kuwo muhiim ah oo wax badan ka badalidoona wajiga waxbarashada Puntland, isagoo sheegay in laga faaididoono, waxyaalo ay kamid yihiin, dib hagaajin xarumihii hore ee waxbarashada dhulka xeebaha, in kor loo qaado nadaafada dugsiyada iyo biyaha.
Wasiirka waxbarashada dowladda Puntland Dr. Abshir Yuusuf Ciise oo mashruucaan furey ayaa sheegay labadaan mashruuc in loogu talo galay in wax looga qabto baahida waxbarashada dhulka ka baxsan wadada laamiga ah, oo aan inta badan si fiican u gaarin adeegyada waxbarasho ee dowliga ah.
Wasiirka waxbarashadu wuxuu sheegay in 60,000 arday ah oo ku nool dhulka xeebaha Puntland ay ka faa’idaysandoonaan mashaariicdaan maata xariga laga jaray, kuwaas qeyb ka ah mashruuca “Aada waxbarashada”
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasaaradda Waxbarashada Puntland oo maanta daahfurtay mashaariic cusub appeared first on Puntland Post.