Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Dhacdo ugub ah oo ka dhacday Nairobi , maxayse ku kala duwan yihiin Muqdisho iyo Kismaayo (Warbixin+Video)

$
0
0

Waxaa shalay ka dhacay magaalada Nairobi kulan lagu sheegay inuu Caalami yahay oo ay ka qayb galeen Safaaradaha shisheeye iyo ururo kale oo Caalami ah oo aan la aqoon cida ay wakiilka ka yihiin isla markaana ay goob ahaayeen kooxo dhan ah oo matalayey Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimaha Jubbooyinka , waxaana culayska kulankaas lagu saaray wax loogu yeeray sida maamul kumeel gaar ah loogu samayn karo deegaanka Jubbooyinka.

Yuusuf Garaad

Yuusuf Garaad oo ka mid ah qaswadeyaasha Jubbooyinka loo wakiishay, Cajiib….!!!

Kooxda meesha fadhiday oo aysan jirin cid ku qabta Kalsooni isla markaana shirkaas ay ka soo muuqdeen kuwii ragii soomaaiya u diiday Fadhiga oo ay ka mid ahaayeen Yuusuf Garaad, Guure iyo kuwa kale ayaa aragti ay wateen kulankaas lagu qaadaa dhigay.

Bal nala eega sida ay u hadlayaan kuwa sheegtay inay baarlamaanka Federaalka yihiin oo shirqoolaya sharciga Federaalka ee Soomaaliya , oo Waxay Yiraahdeen Baydhabo, Beledweyne, Sh/dhrexe , maamul ku meel-gaar ah ayaan laga sameeyey , Muqdisho wey ka boodeen oo waxay Muqdisho u sharciyeynayaan guryaha iyo hantidii shacabka soomaaliyeed iyo inaan laga hadlin in maamul kumeel-gaar ah oo Soomaali oo dhan u dhan tahay in laga sameeyo  Muqdisho , ileyn kuma dhacaane??? oo hadana waxay yirhaadeen indho-adaygooda Kismaayo iyo Jubbaland maxay kaga duwan tahay gobolada kale ?? anagaa u sheegaynee Kismaayo waa meeshii labaad ee laga xasuuqay shacabka Daarood , mar danbena ogolaan mayno dhibkii na soo gaaray in mardanbe uu na soo gaaro, mana nihin kuwa wax loo yeeriyo oo lacagaha lagu laaluusho , ama dhulbalaarsiga doonaya ee waxaan ku kala baxaynaa Sharciga aan ku heshiinay.

Waxyaalaha shacabka  Jubbooyinka ka yaabiyey ayaa ah , sababta Jubbaland oo shacabkoodii ay dhisteen ,  oo khilaaf la’aan u dhistay maamulkooda waxa loo diiday  yahay in la taageero  ???, Jubbaland state  dadka degan iyo in ka badan  ayaa degenaa gobolkii Banaadir iyo caasimadii Soomaaliya oo Soomaali oo dhan ay wada degenayd, maxaa maamul loo dhan yahay loogu samaywaayey??? , maxaaase Jubbaland ka dhigay mid muran gasha oo Muqdisho gelin waayey oo ahayd Caasimadii Soomaaiyeed oo Soomali oo dhan u dhaxaysay??? Orgiga baroorta ka weyn ee Soomaalia,  Soomaali baa isla leh ee Neefka aan wada qalano anagoo hal meel wax ka eegayna , hadayse noqoto Magaalada Muqdisho Hawiyaa yeeshay , sow ma tegayso Kismaayana Daarood baa yeeshay oo ileyn sheekadu waxay tagtay meesha aan kaaga batay ayaan kaaga xoog badnahay ama meesha aan baadiyaheeda deganahay ayaan kaaga badanay….!!

Kismaayo , Jubbaland waxay yeeli kartaa in maamul kumeelgaar ah  loo sameeyo , markii Muqdisho ay Caasimadii ah ay dowladu ay ka samayso maamul kumeel-gaar ah  oo shacabkii Soomaaliyeed u dhan yihiin , waa aqbali karaan  markaas shacabka  Jubbaland, weliba Jubbaland shacabkeeda wax dhib ah kama dhaxeeyaan , waana is ogolyihiin sida hada ay u dhisteen Maamul ayey wixii kalena u dhamaysanayaan inshaa’alah, Laakiin Muqdisho oo muraayadii dalka ahayd , oo caasimadii dalka ahayd reer baa dhaxlaya oo hadana Kismaayo iyo Jubbaland ka hadlaya shacabka Jubbaland ma qaadan karaan , mana laga dhaadhicin karo.

Soomaali maanta Xisaabtan baa horyaala , qof walba oo Soomaaliyeedna indhihiisa ayaa furan , waxaan kulinaynaa in Xasan Culusow uu saxaa qaladkiisaa  iyo kuwa la aragtida ah , laakiin khalad baan dhex fadhiyaa , Caasimadii baan qabiil ku haystaa, deegaanadii kale ee Soomaaliyeed baan ka hadlayaa wax la aqbali karo maaha maanta iyo beri toona.

Hadaan shacabka Jubbooyinka nahay indheheena waa soo jeedaan , Waxaase meesha Taagan Xasan Sheekh inuu reerihiisa yiraahdo Muqdisho Reer baa leh oo hantidii umada waa ku haysanayaan oo afkiisa ka maqalnay , qabiiladii Hawiyena Xamar iyagaa qaybsaday , taas lama yeelayo ,mana la aqbali doono, waxaan taas bedelkeeda leenahay  ka soo bilow Muqdisho oo Neefka aan kuwa qalano, kaddib-na Jubbaland waa la yeelayaa , laakiin reer Jubbaland ayaa deegaankooda ka hadlayaa  ,  Muqdishana kama hadlayo, taas mid ay shacabka Soomaaliyeed ee Reer Jubbaland ay aqbalayaan maaha, kii fakirkaas qabow, fakirkaasi  waa si qarow ayuu ku yimi , iska ilow oo Muqdisho iiga soo bilow sheekada., saan kuu arko inaan cadaalad tahay….!!!

Waxaan Su’aal uga soo jeedinayaa halkan,  kuwa ay ka mid yihiin Guure, Xuseen Carab Ciise, Xoosh , dhammaantiin  Xamar baad Joogtaane, maxaad wanaaga iyo Maamulka loo dhan yahay oo soomaali ku qanacsan tahay ugu samayn weydeen Muqdisho ??? hadaad ka hadlaysaan Sharci iyo Cadaalad,  marka aad leedihiin Jubbaland waxay u baahan tahay in maamul loo dhan yahay loo sameeyo???? Maxaa Muqdisho hortaagan inaaad ka hadashaan oo maamul kumeelgaar ah looga dhisi waayey?? Timir laf baa ku jirta ee timirta Lafteeda aan wada bixino.

Su’aashaas mid la mid ah waxaan weydiinayaa shacabkeyga reer Jubbaland ee Weerarka qaawan lagu wado , loona baahan yahay in ka hortagaan kuwa diidan kana soo horjeeda mustaqbalkooda iyo jiritaankooda.

Ururka Badbaadada iyo Horrumarinta Jubbaland State

kala xiriir: badbaadohorrumarin@gmail.com.

Daabacaadda: Puntlandpost.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>