Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Hargeysa: Somaliland oo diidey in Xafiiska UNSOM laga furo Deegaanadeeda,Warbixin).

$
0
0

Hargeysa: (pp)-Maamulka Somaliland ayaa shaaciyey inay diideen furitaanka xafiiska siyaasada Somalia ee Qaramada Midoobey UNSOM oo laga furo deegaanada Somaliland, ka dib kulan ay wada yeesheen Madaxda Somaliland iyo Ergeyga gaarka ah ee QM Somaliya Nicolas Kay oo maanta Hargeysa tagey.

Shir jaraa,iid oo uu caawa magaalada Hargeysa ku qabtey Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland ayuu ku sheegey in xukuumada Somaliland ganafka ku dhufatey qorshe uu ku doonayey Nicolas Kay in uu xafiiska UNSOM laga furo magaalada Hargeysa oo ay ku tilmaamtey xukuumada Somaliland inuu yahay qorshahaasi mid ka hor  imaanaya Madax banaanida iyo gooni isu taaga Maamulka  Somaliland.

2Wasiirku waxa uu sheegey in Ergayga Xoghayaha guud ee Qarrammadda Midoobay u qaabilsan Somalia Mr. Nicholas Kay socdaalkiisii ugu horeeyay ee uu ku tagay Somaliland uu kulamo kula yeeshey Hargeysa Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed (Siilaanyo) iyo Xubno ka mid ah golaha wasiirada.

Maxamed Cabdilaahi Cumar Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland waxa uu intaas ku darey inay Somaliland diyaar u tahay in Qaramada Midoobey ay kala shaqeynayso howlaha la xiriira mashaariicda iyo gargaarka sida hay,addaha UNDP iyo UN-ka kuwooda taageera Waxbarashada iyo caafimaadka,laakiinse aysan suurto galan ahayn in xafiis siyaasadeed oo Somalia arimihiisu quseeyaan oo laga furo Somaliland.

“Ka dib markii aanu Xukuumad ahaan daraasad ku samaynay ee aanu si balaaranu eegnay waajibaadka shaqo ee xafiiskan cusub ee berigii hore la o dhan jiray UNPOS iminkana loo bixiyay UNSOM, waxaanu u arkaynaa inuu iskugu jiro laba nooc ama shaqo oo la isku biiriyay, midi wuxuu ahaa shaqadii Ha’yadaha jimciyadda quruumaha ka dhaxeysa ay wadeen ee ku wajahnaa arrimaha aadaminimo iyo horumarinta ee ay ka mid ahaayeen Ha’yadaha UNDP, WHO iyo kuwa kale ee mucaawimadda iyo horumarka bixiya” ayuu yiri Wasiirka oo intaas ku darey.

“Waxaanu dawlad ahaan go’aan ku qaadanay inaan xafiiska xaga siyaasadda ee qarramadda Midoobay ee UNSOM aan laga furin Somaliland, wuxuuna sii balaarinayaa xafiiskaas awooda dawladda Federaalka Soomaaliya, waxayna taasi ka hor imaaneysaa Madax banaanida Somaliland iyo Dastuurka Qarankayaga, Sidaasna waxaanu ku war-gelinay Ergayga gaarka ah ee Qarramadda Midoobay ee maanta noo yimid,”ayuu carabta ku dhuftey W,Arrimaha dibadda Somaliland.

Ergeyga gaarka ah ee QM ee dhawaan loo soo magaacabay Somalia ayaa madax ka noqonaya howlaha uu qaban doono xafiiska UNSOM oo isagu bedelay howlihii u horey u qaban jirey xafiiskii hore ee UNPOS ee uu madaxd ka ahaa Ergeygii hore ee Somalia Augstine Mahiga.

Waxaana diidmada Somaliland ee Xafiiska UNSOM baal cusub u fureysa howl galkii xafiiskan cusub ee ku wajahnaa dalka Somalia,waxaana suurto gal ah in diidmadan ay dib uga wada xaajoon doonaan saraakiisha QM oo sida la sheegayo ku howlan shir ay kaga arrinsan doonaan sida ugu fudud ee ay u wajihi doonaan qorshaha siyaasadeed ee cusub UN-ku doonayo inuu ku wajaho Siyaasada Somalia .

1Tan iyo markii Somaaliya ay ka baxday KMG-nimada maamulka Somalialnd waxaa fuulay cadaadis siyaasadeed,waxana dhawr jeer ay ka hor yimaadeen qorshayaal DF Somalia ku talaabsatey sida la wareegidda canshuurta hawada Somalia,Aqoonsigii Dowlada Maraykanka iyo ka qaadistii Xayiraadii hubka ee Somalia.

Waxaana Bil ka hor Somaliland xayiraad ku soo rogtay duulimaadyada QM ee Somaliland tegi jiray,taas oo sida la arkayey qeyb ka ahayd walaaca Somaliland ka qabto fursadaha la siinayey Dowlada uu hogaaminayo Xasan Shiikh Maxamud.

Nagala soo xiriir : Puntlandpost.pp@gmail.com

Puntlandpost.com
Hargeysa.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>