Garowe (Puntland Post):- Waxaa maanta ka furmay magaalo madaxda Puntland ee Garowe Shir xog isweydaarsiya oo u dhaxeeya Wasaaradda Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Hay,addaha Caalamiga ee fadhigoodu yahay deegaanada Puntland.
Shirkan oo ay kazoo qayb galeen Madax ka socota Hay,addaha UN-ka, Hay,addaha Caalamiga iyo Masuuliyiinta Wasaaradda Qorsheynta Puntland ayaa diirada lagu saarayaa dib u eegis lagu samaynayo qorshaha Puntland kaas oo laga soo saarayo qorshe cusub oo saddex sano ah oo dhamaystiran.
Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga Puntland Shire Xaaji Faarax oo daahfuray kulankan ayaa faahfaahin ka bixiyay qorshaha ay wado wasaaradiisu, wuxuuna sheegay in horey Puntland u samaysay 5 sano oo qorshe ah taas oo hadda socota, Islamarkaana la diyaarshay qorshe saddex sano ah oo soconaya 2017 ilaa 2019.
Dr Shire Xaaji Faarax ayaa sheegey inuu qorshahani yahay mid dhab ah oo waaqiciya, ayna ka qeyb qaateen dhamaan hay,addaha Dowlada Puntland , Iyadoona lagu sameeyay hab cilmi baaris ah oo qeexaya sida looga faa,iideysanayo .
Sidoo kale waxaa ka hadlay kulanka masuuliyiin ka socota Hay,adda UNDP iyo WFP waxayna si aad ah u bogaadiyeen horumarka ay ku talaabsanayso Puntland oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid Soomaalida inteeda kale ay kaga dayatay.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Wasaaradda Qorsheynta Puntland oo dejisay qorshe saddex sano ah appeared first on Puntland Post.