Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Maamulka Degmada Godob-jiraan Gobolka Nugaal oo ka farxiyay caruurta agoonta ah

$
0
0

Godobjiraan (Puntland Post):- Gudoomiyaha Degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal Yuusuf Maxamed Faarax ayaa ka farxiyay in ka badan 100 caruur agoon ah iyo barakacayaal ku nool halkaas ka dib markii uu u bilaabay qeybinta dhar ay ku labistaan .

Dharka uu u qeybiyay maamulka Degmada Godobjiraan Caruurta Agoonta iyo Barakacayaasha halkaas ku nool ayaa isugu jiray funaanado,saraawiil iyo suuman.

Yuusuf Maxamed Faarax Gudoomiyaha Degmada Godobjiraan ayaa ka codsaday Dowlada Puntland, Hay,addaha,Jaaliyadaha iyo Ganacsatada inay gacan kazoo geystaan caawinta agoonta iyo caruurta ay dhaleen dadka barakacayaasha ah.

Sidoo kale wuxuu ku baaqay Gudoomiye Yuusuf in gacan laga siiyo sidii goobo waxbarasho loogu heli lahaa caruurta ku nool deegaanada hoostaga maamulka degmada.

img-20160930-wa0000 img-20160930-wa0001 img-20160930-wa0003 img-20160930-wa0008 5 4 3 2 1Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST

The post Maamulka Degmada Godob-jiraan Gobolka Nugaal oo ka farxiyay caruurta agoonta ah appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles