Magaalada Kismaayo , gaar ahaan garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ayaa 4tii casho ee la soo dhaafay waxaa ka socday shir looga hadlayey adkeynta arrimaha amaanka ee magaalada Kismaayo, shirkaas oo ay ka soo qayb galeen Masuuliyiin ka socotay Maamulka Jubbaland, Oday dhaqameedka iyo waxgaradka deegaanka.
Daawo Video
Shirkaas oo markii ugu horeysay uu ka hadlay Prof. Gaandi ayaa sheegay in dagaaladii ka dhacay Kismaayo ay ku geeriyoodeen dad lagu qiyaasay 75 qof , ayna ku dhaawacmeen dad lagu qiyaasay boqolaal, wuxuuna Gaandi falkaas ku eedeeyey in ka danbeysay DF ee Soomaaliya oo uu sheegay in ay dagaalkaas ay dabada ka riixaysay , shaqsiyaadkii ka danbeeyeyna ay ku dacweynayaan una gudbinayaan Hay’adaha xuquuqul insaanka iyo maxkamada denbiyada dagaalka.
Ugaas Maxamed Xaashi oo ah Ugaaska Beesha Sade Daarood ayaa dhankiisa sheegay in ay ka xun yihiin dhibaatadii ka dhacday magaalada Kismaayo , eedeeda dagaalka iyo hurinteedana dusha uga tuuray DF ee Soomaaliya. Waxaa kaloo goobtaas ka hadlay Suldaan Beesha Absame , C/laahi Cali Sokor , wuxuuna dhankiisa sheegay in loo baahan yahay in reer Jubbaland ay khilaafkooda ku dhamaystaan sidii uu dhaqanka ahaan jiray oo GEED hoostiisa ay wax ku xalisan jireen, wuxuuna dagaalkaas Suldaanka uu ku eedeeyey DF ee Soomaaliya.
Waxgarad kale oo meesha ka hadlay ayaa aad uga mahadsheegtay kaalinta Maamulka Jubbaland uu ka qaadatay soo afjarida dhibaatooyinkii ka dhacay magaalada Kismaayo , waxaa kale oo meesha laga xusay in waxgaradka iyo Isimadu ay ka qayb qaateen deminta colaada , iyagoo Gacmaha ishaystana ay ugu baaqayeen shacabka inay nabadgelyada Illaaliyaan.
Sikastaba, waxaa la isku raacay kulankaas dhamaadkiisa, in DF ee Soomaaliya ay asal u ahayd dhibkii ka dhacay magaalada Kismaayo , arrinkaas oo aan ka qarsoonayn shacabka Jubbooyinka ama shacabka Soomaaliyeed ee jecel nabada.
Waa markii ugu horaysay Odayaal, Waxgarad iyo Isimo ka soo jeeda Jubbaland iyagoo wada jira ay wada gorfeeyaan dhibaatadii ka dhacday magaalada Kismaayo ee ay ka danbeysay DF ee Soomaaliya , si wadajirna Eedaas dusha loogu tuuray DF ee Soomaaliya.
Puntlandpost, Kismaayo, Jubbaland