Odoyaal kazoo jeeda Beesha Cali Saleebaan ayaa bayaan ay maanta Bosaso kazoo saareen waxay si kulul ugu beeniyeen jiritaanka warar ay odoyaashu ku tilmaameen inay yihiin kuwo been abuurad ah oo laga faafiyey xubno sharaf iyo amaan ku leh Gudaha Puntland sida Wasiirka Maaliyada Puntland.
Bayaanka odoyaasha oo lagu wargalinayey Laamaha amniga iyo Garsoorka, nuqul ka mid ahna saxaafada lasoo gaarsiiyey waxaana lagu sheegey in xubno ka tirsan isla beesha gudaheeda ay si khaldan u faafiyeen warar been abuur ah islamarkaana la tiigsan doonaan xubnahaasi maxkamad sida sharciga qabo.
Waxa sidoo kale Bayaanka odoyaasha ku sheegeen inay markhaati ka yihiin cida rasmiyan u leh mulkiyada hotelkasi , iyagoona sheegey inay noqonayaan wararka been abuurka ay ku tilmaameen kuwo meel ka dhac loogu geysanayo xubno masuuliyiin ah oo ay ka mid yihiin Suldaan Bashiir Muuse Koonte iyo Wasiirka Maaliyada Puntland.
Waxay ku eedeeyeen faafinta wararkaasi ay ku tilmaameen been abuurka inay ka danbeeyaan dad siyaasado dabada ay ka riixayaan islamarkaana aan ka turjumeyn xaqiiqda iyo dhowritaanka sumcada bini,aadamka waliba mida masuuliyiinta wadanka loogu geysanayo.
Hotel Guul ayay odoyaashu bayaankooda ku sheegeen inay kala iibsadeen dad ehelo dhow ah islamarkaana ay hayaan documintigiisa saxda ee muujinaya cida iska leh mulkiyadiisa, iyagoona intaas ku darey in nasiib daro ay tahay in nin lagu magacaabo Maxamed Cilmi Cabdalle uu baahiyey warar been abuur ah oo ay ka danbeeyaan siyaasiin dano leh.
Odoyaasha bayaanka ku saxiixnaa waxay si cad ku fareen hay,addaha amniga iyo cadaalada inay talaabo sharciga waafaqsan ka qaadaan dadka wali kusii indho adag faafinta wararkaasi gaar ahaan shaqsiga odoyashan magacaabeen oo isla beesha ka tirsan hadii uu ka waantoobi waayo falalka uu faraha kula jiro.
Wasiirka Maaliyada Puntland oo marar sii horeysay ka jawaabayay su,aalo saxafaadu ka weydiisey iibsiga ur Hotel Guul ayuu sheegey inaysan waxba ka jirin islamarkaana wararka la baahinayo ay noqonayan kuwo been abuur ah oo lagu sumcad dilayo masuuliyiinta Dowlada Puntland.
Hoos ka akhriso Bayaanka Odoyaasha kazoo baxay.