Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Hub ay Ka qabsadeen Ciidamada AMISOM

$
0
0

Al-Shabaab ayaa Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe ku Soo Bandhigay Maanta Hub iyo Agab Milatari oo  ay sheegeen in ay ka soo qabsadeen Ciidamada Kenya.

warbaahinta Al-Shabaab ayaa Baahiyay Sawiro muujinaya hub iyo Agabka gaarka ah ee lagu yaqaano Ciidamada Kenya oo ay Al-Shabaab gacanta ku dhigeen.

Sidoo Kale Gaadiidka Dagaalka ayey Al-Shabaab soo Bandhigeen kuwaasi oo ay sheegeen in ay ka qabsadeen Ciidamada Milatariga Kenya ee qeeybta ka ah Howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ee ku sugan Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Dadweyne Farabadan ayaa u soo Daawasho tagay fagaro lagu soo Bandhigayay oo ku yaala Magaalada Jilib ee Gobolka Jubbada Dhexe.

Kenya Kama aanay Hadlin Jiritaanka warkaan Hayeeshee Al-Shabaab ayaa Dhowr Jeer oo hore Soo bandhigay hub iyo Gaadiid Dagaal ay ka qabsadeen Ciidamada Kenya.

1 2 3 4 5 6 7

The post Al-Shabaab oo Soo Bandhigay Hub ay Ka qabsadeen Ciidamada AMISOM appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22749

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>