Garowe (Puntland Post):- Taliyaha Ciidanka guud ee Puntland Gen Siciid Maxamed Xirsi ayaa ka warbixiyay howl-galo Dowlada Puntland ka bilowday magaalada Garowe , Islamarkaana daba jooga howl-galo horey loogu magac daray Danab 2.
S/guuto Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay inuu ka danbeeyay howl-galkan , Iyadoo la filayo in dhawaan lagu qabto magaalada Garowe shir balaaran oo lagu soo xulayo Xildhibaanada aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.
General Siciid Maxamed Xirsi ayaa sheegay inay soo buux dhaafin doonaan magaalada Garowe wafuud iyo dad fara-badan oo ka qeyb qaadanaya soo xulida xubnaha aqalka hoose ee Soomaaliya, Sidaas darteedna loo baahan yahay buu yiri sidii loo xoojin lahaa Amniga magaalo madaxda Puntland ee Garowe.
Ugu danbeyntii General Siciid Dheere waxa uu ugu baaqay qeybaha kala duwan ee shacabka ku nool magaalo madaxda Puntland ee Garowe inay gacan siiyaan ciidanka howl-galka ka bilaabay magaalada Garowe.
Dhagayso
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post General Siciid Dheere oo ka warbixiyay howl-galo ka bilowday Garowe appeared first on Puntland Post.