Garowe (Puntland Post):- Maamulka Degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal ayaa maanta ka bilaabay magaalo xeebeedka Dhinoowda ee Gobolka Nugaal dhismaha xarun waxbarasho oo loogu tala-galay dugsiga hoose/dhexe ee tuulada Dhinoowda oo ka mid ah tuulooyinka hoosyimaada Degmada Godobjiraan ee Gobolka Nugaal.
Gudoomiyaha Degmada Godobjiraan Yuusuf Maxamed Faarax ayaa sheegay inuu ku yimid dadaalka dhismaha iskuulku ka dib markii maamulkiisu u gudbiyay Wasaaradda Waxbarashada iyo Hay,addaha Caalamiga ah codsiyo ku saabsan sidii xarumo waxbarasho looga dhisi lahaa magaalada Dhinoowda.
Yuusuf Maxamed Faarax ayaa sheegay ka dib muddo hal sano ah inay ku guulaysteen in laga soo jawaabo dalabaadkii maamulka Godobjiraan, isagoona sheegay inay maanta si rasmiya u bilaabeen dhismaha dugsiga hoose ee tuulada Dhinoowda .
Gudoomiye Yuusuf Maxamed Faarax waxa uu intaas ku daray in horey maamulkiisu uga sameeyay Dhinoowda biyo-galin iyo dhismaha goob lagu cibaadeysto oo Masjid ah.
Tuulada Dhinoowda ayaa la aas aasay sanadkii 1992-dii ,Waxayna ka mid tahay magaalooyinka ku yaala xeebta badweynta hindiya ee Gobolka Nugaal.
Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST
The post Dhisme xarun waxbarasho oo laga bilaabay tuulada Dhinowda ee Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.