Quantcast
Channel: Puntland Post
Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Ergada shirka Jowhar oo Ansixisay Magaca iyo calanka Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe

$
0
0

Kulan ay isu yimaadeen xalay Jowhar Eergada shirka mamul u sameynta Gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Wasaarada Arimaha Gudaha dowlada Federaalka Soomaaliya waxay ku soo bandhigtay magacyo ku dhow 30 magac  iyo noocyo calamo kala duwan ah oo gaarayay ilaa boqolaal, kuwaas oo ay soo direen bulshada Soomaaliyeed markii lagu baahiyay baraha Bulshada.

Codeyntii magacyada ayaa bilaabatay waxaana shirka daadihiniayy xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha Yaxye Cali Ibraahim, ilaa 11 magac  oo laga soo xulay magacyadii ay bulshada soo direen ayay u codeeyay Eergadu,  kuwaas o isku raacay magaca dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe inuu noqdo HirShabeelle State.

Mar labaad ayaa Eergadu u codeeyaan Calanka maamulka HirShabeellle dood dheer kadib  ayaa Ergadda Shirka isku raaceen Calanka maamulka oo safeynaya Calaamada Qaranka, Barwaaqada labada Gobol wabiga iyo beeraha tiirka u yihiin.

Shirka maamul u sameynta oo gabagaba joogo ayaa todobaadka Soo aadan waxa la galidoonaa xulista xildhibaanada Barlamaanka labada gobo lee dooranaya Gudoonka Barlaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka HirShabeelle.

Shirka maamul u sameynta labada gobol oo gabagaba joogo ayaa todobaadka soo aadan waxa la gali doonaa xulista Barlamaanka labada gobol ee dooranaya Gudoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka HirShabeelle State..

Shalay ayay ahayd markii Ergadu Ansixisay Caasimadda labada Gobol oo ay ka dhigeen Jowhar, iyadoo horay Madaxweynaha Somaaliya u shaaciyay in Caasimaadu noqoto Buula-Berde.

Ansixinta Caasimada, Magaca iyo Calanka dowlad goboleedka HirShabeelle State ayaa ku soo aadayo iyadoo weli ay diidanyihiin qaar ka mida duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan.

hir1

hir2

hir3

hir4

hir5

hir6
PUNTLAND POST

The post Ergada shirka Jowhar oo Ansixisay Magaca iyo calanka Maamulka Hiiraan iyo Sh/Dhexe appeared first on Puntland Post.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 22737

Trending Articles



<script src="https://jsc.adskeeper.com/r/s/rssing.com.1596347.js" async> </script>