inta la xaqiijiyay 6 Qof ayaa ku dhimatay tiro intaa ka badana way ku dhaawacmeen weerar koox dabley ah ay ka geysatay magaalada Mandera ee Gobolka Waqooyi Bari ee Dalka Kenya.
Saraakiisha Booliska dalka kenya ayaa sheegay in dabley looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaab ay xalay saqdii dhexe weerar ku qaadeen guri ay degganaayeen dad ka soo jeeda gobolada kale ee dalka Kenya oo aan Soomaali ahayn.
Sidoo kale Booliska ayaa sheegey in ay soo badbaadiyeen tiro ka badan 21 Qof oo ka mid ahaa dadkii weerarka lagu qaaday.
Dhanka kale Ururka Al-shabaab ayaa baraha ay Internet-ka ka isticmaalaan ku sheegtay Mas’uuliyada weerarkaas.
Al-Shabaab ayaa dhowr jeer oo hore weerar noocan ah ku soo qaaday deegaanka Mandera, tan iyo markii ciidamada dalka Kenya ay soo galeen xadka Soomaaliya sanadkii 2011.
PUNTLAND POST
The post Dad lagu dilay weerar ka dhacay magaalada Mandera dalka Kenya appeared first on Puntland Post.