Munaasabado lagu xusayay maalinta Carruurta Afrika ayaa lagu qabtey maagaalooyinka Puntland Sida Bosaso iyo Garowe, waxaana kasoo qeyb galay xafladahaasi Caruur, Haween,Masuuliyiin ka tirsan Dowlada Puntland,iyo Saraakiisha ugu sareysa Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland oo munaasabadahan qabsoomidooda hormuud u ahayd.
Magaalada Bosaso Munaasabad lagu xusayey maalinta caruurta ayaa Halku dhiga Munaasabada ee sanadka loo doortay in uu noqdo‘’sanadkii iskaashiga haweenka Puntland iyo saaxiibadooda daneeya’’,waxaana soo qabanqaabisay Wasaarada hormarinta haweenka,arrimaha bulshada iyo qoyska dowlada Puntland.
Isuduwaha Wasaarada hormarinta haweenka,arrimaha bulshada iyo qoyska dowlada Puntland ee Gobolka Bari Ayaan Nuur Muuse ‘’Shiidle’’ oo daah-furay Munaasabada ayaa sheegtay in Wasaarada haweenka ay deeq ka kooban Bur,Bariis iyo Sonkor gaarsiisay 30-qoys oo ka mid ah qoysaska danyarta ah eek u nool Bosaso.
Dhanka kale xafladan mid la mid ah ayaa maanta lagu qabtey magaalada Garowe xarunta Dowlada Puntland , iyadoona ay kasoo qeyb galeen masuuliyiinta wasaarada Haweenka Arrimaha Qoyska Puntland ,Xubno ka tirsan golaha wasiirada iyo Marti sharaf kale.
Xaflada oo ay kasoo qeyb galeen caruur faro badan ayaa Wasiirka Wasaarada Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland Marwo Xaliimo ay ugu qeybisey caruurtii soo xaadirtey hadiyado maalintan wasaaradu ugu talo gashey kuwaas oo ay ka mid ahaayeen caanaha caruurta iyo raashin loogu talo galay.
Si kastaba ha ahaate,dowlada Puntland ayaa kaalin wayn ka cayaaraysa ilaalinta Xuquuqda Carruurta,si loo helo Jiil aqoon leh oo ka qayb qaata geedi socodka Puntland ay ugu jirto helida dowlad Qaran oo ku shaqaysa Dastuurka dalka.
Daawo Sawirada Munaasabada Garowe lagu qabtey.